Shiinaha oo ciqaabay 1.34 milyan tan iyo sannadkii 2013 sababo la xidhiidha musuqmaasuq

Hay`adda la Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Wadanka Shiina ayaa ciqaabay 1.34 milyan oo saraakiil ah ilaa 2013-ka taasoo qayb ka ah ololaha la-dagaallanka musuq-maasuqa ee uu soo saarey Madaxweynaha Shi Jinping, sida ay sheegtay hay’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa dalka.

Shi oo isu diyaarinaya hoggaaminta hoggaamiyaha talada Xisbiga ee bishan wuxuu ololaha ka hortagga musuqmaasuqa ka dhigay mudnaanta shan sanno.

“Kuwa la ciqaabay ilaa 2013-ka oo ay ku jiraan 648,000 oo ka mid ah mas’uuliyiinta tuulayaasha inta badan dambiyadu waxay ku lug leeyihiin musuqmaasuq yar,” ayay tidhi Komishanka Dhexe ee Kormeerka  ayaa Axaddii sheegay.

 

Bishii Agoosto gudoomiyaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku sameeyey baadhitaan kaas oo ahaa kiis ku saabsanaa faa’iido aan sharci ahayn.
Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso