Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Kulan uu ku Faaqidayo Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE la Qaataay Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka Boorama 

Boorama(ToggaHerer)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanka miisaanka ku leh Somaliland, kana tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ballaadhan oo lagu axadhayo Baraamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE la wadaagay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo haldoorka ku dhaqan magaalada Boorama ee caasimadda gobolka Awdal.
Kulanka uu aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar la qaatay labeenta iyo aqoonyahanka reer Boorama, ayaa ahaa mid liishaanka lagu saarayo sidii faaqidaad qoto dheer loogu samayn lahaa Barnaamijka xisbiga KULMIYE ugu talo galay inuu dalka ku hoggaamiyo shanta sano ee soo socota haddii uu guulaysto, isla markaana bulshadu logu bayaaminayey faa’iidada ku jirta Barnaamijkaas iyo sida dalku ugu baahan yahay.
Dhallinyarada jaamacadaha ka baxay, kuwa haatan dhigta, siyaasiyiinta iyo haldoorka kale ee gobolka oo Rag iyo Haweenba isugu jira, ayaa kulankaas ka qaybgalay, waxana uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar si qoto dheer ugu sheekeeyey Barnaamijka KULMIYE iyo faa’iidooyinka dalka iyo dadkaba ugu jira, waxana uu tilmaamay inuu yahay mid horseedi kara horumar laxaad leh oo uu dalku ku tallaabsado muddada shanta sano ah ee loo qoondeeyey inuu shaqeeyo.
Dhallinyaradii aqoonyahanka ahayd ee madasha kasoo xaadirtay, ayaa su’aalo dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan Barnaamijka KULMIYE weydiiyey, waxana su’aalahaas si farshaxanimo leh uga jawaabay aqoonyahan Samatar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso