Madaxwaynaha Tansaaniya oo Sheegay Mushaharku Qaato!!!

 

 

Madaxwaynaha Tansaaniya John Magofoli ayaa sheegay in mushaharkiisa bishii yahay 9 milyan oo Tansaaniyaan ah una dhiganta ($ 4,000), taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu mushaharka yar  Afrikaanka ah.

Magufuli ayaa  soo rogay siyaasad si wayn loo dhaleeceeyay oo ku salaysan tallaabooyin lagu yareeynayo kharashka dawladda.

Madaxwaynaha ayaa ka  hor sheegay hadalkan  mas’uuliyiinta maxaliga ah ee caasimada Talaadadii in xukuumaddiisa ay hoos u dhigtay mushaarka madaxda sare ee dawladda illaa 15 milyan oo shilin oo Tansaaniyaan ah ah ($ 6,700) bishiiba oo ka badan wuxuu qaato.

“Way iska tagi karaan haddii aysan rabin,” ayuu yidhi Waxa uu sheegay inuu diiday in kor loo qaado mushaharkooda  loona laban laabo, isaga oo sheegay in aan sidaas samayn karin iyada oo dad badani ay ka cabanayaan biyo yari daryeel caafimaad iyo koronto la`aan.

 

Tan iyo markii uu qabtay Xukunka Bishii Nofeembar 2015, Majofolia ayaa hoos u dhigay kharashka Dawlada sidoo kalena wuxuu joojiyey  safarka dibadda ee Masuuliyiinta .

Mushaharka Mugovoli marka loo eego mushaharka hoggaamiyayaasha kale ee Afrika maaha mid buuran Madaxwaynaha Kenya waxa uu qaataa $ 14,000 bishii halka  madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo qiyaastii Qaato $ 20,000 bishii.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso