Hindiya: Waxay ku mashquulsanayeen inay ISka Qaadaan Sawir Selfie saaxiibkoodna wuxuu ku Qaraqmaayay Gadaashooda Waxayna Ogadeen Saacad Ka dib Dhimashada arday socdaal jaamacadeed!!

Wiil dhallinyaro reer Hindiya ah ayaa Qaraqmay Xili saaxibadiis iska qaadayeen sawir Selfie ah isaga oo xagooda dambe muuqda lana xarbinaya Nafta iyaga oo aan dareemin.

Wiil-kan oo 17-jir ah ayaa geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta India waxayna magaciisa ku sheegeen Vishwas Govindaba,wiilka ayaa ku dhintay barkad ballaadhan oo u dhow Bangalore oo ku taal caasimadda Karnataka, ka dib markii isaga iyo saaxiibadii ay go’aansadeen in ay dabaal tagaan.

Sida uu sheegay TV-ga Hindida ee NDTV Kooxdan ayaa wax ka baranaya Jaamacada Qaranka ee Jayanagar waxayna ku dabaalanayeen biyo qotodoodu tahay 10 Mitir intii lagu jiray safar ay abaabuleen kulliyadda.

Dhallinyarada ayaa iska qaadayay sawiro shakhsi ah intii ay ku jireen biyaha kahor intaanay tagin si ay u booqdaan macbadka.

Ka dib markii Saacadi ka soo wareegtay ayay Ogaadeen in aanu Saxiibkood la socon waxay baadheen Sawiradii ay iska qaadeen maalintii oo dhan waxay heleen Sawir Selfie ah oo qaybta sare ee madaxa Vishuas ka muuqato.!

Kadibna waxay la xidhiidheen bilayska maxalliga ah oo ka helay berkada Meydka Vishwas sida joornaalka Hindu-gu sheegay.

Govindaba, aabaha Vishwas iyo eheladiisa iyo asxaabtiisu waxay soo bandhigeen dibad-bax ay kaga soo horjeedaan kuleejka iyagoo ku eedeeyay shaqaalahooda dayacaadoodu inay keentay geerida wiil dhalinyaro ah intii ay socotay safarka ay qabanqaabisay machadku.

Sida ay ka soo xigtay bilayska Wargeyska The Times ee Hindiya, bilaysku waxay sheegen in dhallinyaradu iska indho-tireen calaamadda digniinta “Waxay iska dhaga-tireen Calaamada Digniinta ah ee ay dhigeen golaha degaanku, digniin ka dhan ah dabaasha biyahaas wayna iska galeen.”

“Govindaba waxa uu soo gudbiyay cabasho ku aaddan kulliyadda oo ah in dayacaad maamulku ku kacay ay galaafatay noloshii wiilkiisa,” ayuu yidhi sarkaal Bilays ahi, “waxaanu diiwaan galinnay iyada oo ku saleysan cabashada in dhimashadu ay ahayd mid aan caadi ahayn waxaanu dacwad ka gudbin karnaa kulliyadda haddii la xaqiijiyo dayacaad.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso