Daawo: Masaajid Lagu Gubay Badhtamaha Sweden!!!

Masaajid ku yaal magaalada Orebro ee badhtamaha Iswiidhan ayaa waxyeelo weyni ka soo gaadhay dab subaxnimadii Saaka oo Salaasa ah, waxaana la sheegay in dabku uu ahaa mid si ula kac ah u dhacay.

Bilayska maxalliga ah ayaa xaqiijiyay in la xidhay eedeysane inuu dabka Qabadsiiyey  masaajidka, halka wargeyska Expressen uu ka soo xigtay ilaaliyaha masaajidka, “Hassan Montigio” isagoo sheegay inuu ku arkay masaajidka nin afka xidhay wax yar ka hor intii uusan dabka qabsan Masjidka.

 

Dhiniciisa madaxa xakamaynta dabka ee magaalada Olf Jacobsen ayaa ku sheegay  war-saxaafadeed in kooxda Dab-Damisku ay sameeyeen wax kasta oo awoodooda ah si ay u xakameeyaan dabka, laakiin waxay si deg deg ah ugu faafay masaajidka waxaanu noqdey mid  aan hadda ku habboonayn isticmaalka.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in shilku uusan sababin khasaaro nafeed isagoo sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in dabka ahaa mid ula kac ah.

 

 

Wargeyska Aftonbladet ayaa shaaca ka qaaday in masaajidka oo la dhisay sannadkii 2007 uu ahaa markii horeba bartilmaameed halis ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso