Dhulgariir laga Soo Sheegay Waqooyiga Kuuriya Iyo Sababta Oo noqon karta tijaabo cusub oo Nuclear ah!!!

Shiinaha ayaa sheegay in dhulgariir ka dhacay Maanta oo sabti Waqooyiga Korea qiyaastiisuna ahayd  3.4 digrii miisaanka Dhul Gariirada Waxaana loo Malayn karaa in uu sababay qarax weyn oo ka dhacay dalka.

Dhul-gariirka ayaa ka dhacay gobalka waqooyiga ee Hamgyong, waxaanu dhacay 16.29 p.m. Beijing time (8:30 GMT).

Dhinacooda Tvga NHK ee Japan ayaa wariyay iyana in dhulgariir ka dhacay meel u dhow xarunta Woqooyiga Kuuriya ee Nuclear-ka, iyada oo loo malayn karo Tijaabo cusub oo ay samaysay Pyongyang.

Wakaalada wararka ee Japan ee Kyodo ayaa soo warisay iyana in xukuumadda Tokyo ay hadda ururinayso oo ay falanqeynayso xogta dhulgariirka, iyada oo sheegtay in aysan jirin guddi dawladeed gaar ah oo loo sameeyay arrintan.

Iyana wakaaladda wararka ee Xinhua ee Shiinaha ayaa tidhi in Dhulgariirka dhacay loo malaynaayo in uu yahay tijaabo nukliyeer oo ay sameeyeen Pyongyang.

Waxay ahayd uun maalin kadib markii Wasaarka Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Ry Yong-hoo uu ku dhawaaqay in Pyongyang rabto in ay samayso Tijaabadii ugu xoogga Waynayd ee Qunbuluda Haydaroojiin Bamka Badda Pacific-ka, taas oo ay kaga jawaabayso hanjabaadii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso