Dhalasho Hogaamiye Cusub ee Waqooyiga Kuuriya?

Xaaska Hogaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-un ayaa Dhashay  sanadkan bilowgiisii  Ilmaheedii saddexaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap oo ka soo xigatay sirdoonka South Korea.

Guddi ka tirsan guddiga barlamaanka ee sirdoonka ayaa u sheegay wakaaladda: “Waxaa la aaminsan yahay in Lee Choo ay dhashay ilmo saddexaad bishii Febraayo.”

Sida laga soo xigtay hay’adda waxaa la xaqiijiyay in Lee Sol Chu xaaska hogaamiyihii Waqooyiga Kuuriya aan la arag muddo  sagaal bilood 2016-kii.

Kim Jong-un ayaa guursaday fannaanda Li Sol-Chu sanadkii 2009 waxaana uu leeyahay laba caruur ah sannadihii 2010 iyo 2013, sida laga soo xigtay Yonhap.

Sida uu sheegay Ciyaartoyga kubadda kolayga Mareykanka ee Dennis Rodman oo booqday Waqooyiga Kuuriya sannadkii 2013  ilmaha labaad ee u dhalay hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya inuu yahay Gabadh la yidhaahdo Kim Zhou, halka labada Caruur  ee kale aan la garnayn lab iyo dhedig kay yihiin.

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso