Qunsuliyad Mareykan ayaa ku dhawaaqday baroordiiq Sarkaalkii Ruushka  ahaa ee ka  badbaadiyey Mareykanka Burburka !!!

 

Petrov ayaa Qaatay go’aankii ugu muhiimsanaa noloshiisa iyo noloshii bini’aadamka markii uu amar ku bixiyay In aan Lagu ridin Gantaalo nukliyeerka Dhinaca  Maraykanka  waxaanu Naftiisa Halis u galiyey In Rasaas Lagu Toogto  haddii uu go’aankaasi Qalad Noqon Lahaa.

Qunsuliyadda Maraykanka ee Vladivostok ee Ruushka, ayaa maanta ku dhawaaqday baroordiiq loo Samaynayo sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadda Soviet-ka  Stanislav Petrov oo hor istaagay in Lagu Rido hubka nukliyeerka ee Ruusha Dalka Maraykanka ee 1983.

“Qunsuliyadda Mareykanka ee Vladivostok waxa ay muujineysaa murugadeeda  ku saabsan geerida askariga Soviet-ka ee Stanislav Petrov, waxaanu aha geesigii dhabtaa ahaa ee dunida ka badbaadisay dagaalka nukliyeerka ahaa  Sanadii 1983,” Sidaa waxa ku Qortay Qunsuliyadda Maraykanka Barteeda Facebook.

 

Bishii Sept. 26, 1983, Lt. Col. Stanislav Petrov wuxuu ahaa mid ka mid ah hannaanka taliska digniinta ugu horayso ee weerarka nukliyarka ee Midowga Soofiyeetka, qalabka kor joogteynta ayaa uga digay shaqaalihiisa in lagu soo ganay shan gantaal oo nukliyeer ah oo Maraykan ah, Waxana shaahashada ka soo baxay Weedha “weerarka gantaalaha”.

 

Petrov, oo magaciisa milatari ahaan ahaa Serbokhov-15, ayaa qaatay Go`aan  bani’aadaminimo, ma qaadan mid ciidan , wuxuu khatar geliyey naftiisa shakhsi ahaaneed isaga oo naftiisa geliyey In Rasaas Lagu toogto  isaga oo fududaystay in uu fuliyo awaamiirta millatari uuna ku fashilmay inuu difaaco ammaanka waddankiisa .

 

Haddii rumoobi lahayd digniintu Peterov na u jawaabin cadowga Midowga Soofiyeedka waa la burburin lahaa, jawaabtiisuna waxay noqon lahayd  mid ka diciifsan   weerarka Mareykanka ee ku habboon.

Petrov intii uu socday wareysi uu siiyay suxufiyiin Maraykan ah dhowr sano ka hor, wuxuu ku celiyay wixii dhacay, wuxuu yidhi markii ay waydiiyeen meesha uu ku sugnaa xiliga dhacdada “Maxaa kaaga Muhiim ah meesha aan ku sugnaa Markaa , Muhiimku waa Haddii la Isiin lahaa inaan tuuro Gantaalada Waan Tuuri lahaa Maraykankuna muu jireen .”

Petrov wuxuu sheegay in aan la ciqaabin lana abaalmarin. “Waxay ii sheegeen markii ugu horeysay inay i  abaalmarin doonaan, laakiin mar dambe ayay ka noqdeen ballan-qaadkii, iyagoo ku salaynaya go’aanka guddiga Baadhitaanka, , Sababtoo ah guddigaasi waxaa ka mid ah tiro dad ah oo mas’uul ka ahaa qaladaadkii keenay digniinta been abuurka ah. ”

 

Waxa uu soo gabagabeeyay isagoo yidhi: “Warbaahinta reer galbeedka waxay jeceshahay in ay buunbuuniso, oo la siiyo muhiimada ayana u qalmin,  dhamaan wixii aan sameeyay waxa uu ahaa waajibaadkii bani’aadamnimo iyo Askarinimo ee ugu sarreeyay.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso