Ururka Shaqaalaha Adduunka: Tirada Addoonta adduunka waa 40 milyan oo Ruux!!!

Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) ayaa ku dhawaaqay in ilaa 40 milyan oo qof oo adduunka la addoonsaday sannadka 2016, iyagoo sheegay in 152 milyan oo carruur ah oo dunida ah lagu qasbay inay shaqeeyaan.

Daraasad ay sameeyeen Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO), iyada oo la kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) iyo Walk Free Foundation, waxay muujisay in 25 milyan oo addoon oo adduunka ah lagu khasbay in ay shaqeeyaan halka 15 milyan lagu khasbay guur.

Daraasadan oo ay dib u eegtay natiijadeeda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in inta badan adduunyada casriga ah dadka la adoonsaday ay yihiin dumar, qiyaastii 29 milyan (71%), oo xaqiijinaya in badi shaqaalaha ganacsiga Jidhka (99%) ay yihiin dumar.

Daraasaddan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 152 milyan oo carruur ah (oo da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 17 jir) adduunka oo dhan lagu qasbay inay shaqeeyaan, gaar ahaan beeraha iyo sidoo kale adeegyada iyo warshadaha. Carruurta intooda badani Waa qaarada Afrika.

Warbixinta ILO ayaa lagu xusay in hadafyada horumarinta joogtada ah ee Qaramada Midoobay aan la gaadhi karin iyada oo aan la gelin dadaal dheeraad ah oo lagula dagaallamayo addoonsiga casriga ah iyo ku shaqaysiga carruurta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso