Nin Isku Dayayay In uu Weeraro madaxweynaha Indonesia oo La Qabtay!!


Booliska Indonesia ayaa awooday in ay ka hortagaan weerar lagu qaaday Madaxwaynaha Goku Vedodo, iyagoo xidhay nin hubaysan sitayna shan Quraaradood oo Petrol Bomb ah doonayayna in uu bartilmaameedsado madaxweynaha, sida uu sheegay Wageyska Strait Times.

31-jirkan ayaa lagu xidhay garoonka Penggung ee magaalada Cherubun, galbeedka Gautha, kaas oo madaxweynaha u yimid xaflad dhaqan.

Baadhitaan hordhac ah ayaa muujinaya in qofka la xidhay uu ka tirsan yahay koox argagixiso oo maxalli ah, gaar ahaan kooxda Ansar al-Dawla oo Xidhiidh la leh kooxda Daacish.

Bilayska ayaa sheegay in eedeysanuhu uu sidoo kale haystey baakad bistoolad iyo waraaqo ay ku qoran yihiin Ereyo Xagjirnimo ahi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso