Madaxwaynaha  Kurdistan: Cidna kama Aqbalayno Hanjabaad

Madaxweynihii gobolka Kurtdistan Massoud Barzani ayaa  ku nuuxnuuxsaday dhamaadka Wada lahaansha  Ciraaq, isaga oo ugu yeedhay Ciraaq iyo gobolkuba dariska qaaliga ah, sida uu u dhigay hadalka.

Barzani ayaa sidaa ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Soran oo lagu taageerayay aftida madaxbannaanida, waxa kale oo uu sheegay inaysan jirin waddo kale oo gobolka oo taal oon a ahayn in ay qabataan aftida.

Waxa uu intaa ku daray in dastuurka Ciraaq uu xaq u siinayo Kurdistan  in ay qabto aftida, isagoo ku adkeystay.
Barzani ayaa ugu baaqay saaxiibada  inaysan ku hadlin luqad hanjabaad ah, isagoo yidhi: “Kama aqbalayno Cidnaba Hanjabaad.”

Waxa kale oo uu tilmaamay haddii ay jiraan wax kale oo damaanad qaadaya xuquuqda kurdida, gobolku wuxuu qabanqaabin doonaa xaflado ballaadhan 25 September, maalinta aftida.

Barzani ayaa sheegay in Dawlada  Ciraaq hadda aysan ahayn Federaal laakiin ay Tahay Daa`ifad diineed.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso