Xoghayaha Guud Ee Waqooyiga Ameerika Xusbiga Kulmiye Oo Bogaadisay Barnaamuj Siyaasadeedka Cusub Ee Kulmiye.

Xoghayaha Guud ee Waqooyiga Ameerka Xusbiga Kulmiye Marwo Samia Fiishar ayaa si niyadsami iyo xeeldheeri aqooni ku duugan tahay u soo dhawaysay buuga barnaamuj siyaasadeedka cusub ee xusbiga kulmiye uu u soo bandhigay bulshada reer Somaliland, iyadoo xustay in buugani xanbaarsan yahay macluumaad badan oo dalka iyo dadkaba wax wayn tari doona.

Marwo Samia Fishar oo ka mida siyaasiyiinta waawayn ee xusbiga kulmiye gaar ahaan qurba-joogta sida hagar la’aanta ah uga hawlgala qurbaha iyo gudahaba, isla markaana wakhtigeeda inta ugu badan galisa sidii uu Xusbiga K ulmiye mar labaad iyo sadexaad ba hogaaminta talada dalka gacanta ugu sii hayn lahaa, ayaa war murtiyeed ay soo saartay ay ku sheegtay sida quruxda badan ee loo soo bandhigay barnaamujka siyaasadeed ee uu ku hagi doono xusbiga kulmiye dalka shanta sano ee soo socda.

War murtiyeedka ay soo saartay Xoghayaha Guud ee Waqooyiga Ameerika waxa uu u dhignaa sidan:
Bismilaahi raxmaani raxiim.

Anigoo ku hadlaya magaca xusbiga kulmiye ee waqooyiga ameerika waxaan si niyadsami iyo aqoon ba leh ku soo dhawaynayaa buuga barnaamuj siyaasadeedka cusub ee Xsbiga Kulmiye ku soo bandhigay intijaahiisa siyaasadeed ee uu dalka ku maamuli doono shanta sano ee soo socda hadii uu mayalka u qabto hogaaminta talada dalka, anigoo rajaynaya inuu kulmiye noqon doono mid markale ka arimiya masayrka shacabka reer somaliland maadaamo uu yahay xusbi ay lexejeclo badani ka hayso dalka iyo dadkaba isla markaana uu hogaanshe u yahay hogaamiye leh taariikh togan iyo hab hogaamineed oo taabogal ah.

Marwo Samia waxay ku soo gunaanaday war murtiyeedkeedan waxaan ku qanacsanahay in xusbiga kulmiye oo ah haatan qaan-gaadh isla markaana ay ku duugantahay khibrad iyo waayo-aragnimo ba inuu noqon doono mid guul ka gaadha doorashada wakhtiga dhaw ka qabsoomi doonta dalka hadii ilaahay qadaro, sidoo kale na waxay xustay in uu yahay kulmiye mid ku suntan wax qabad iyo horu mar iyadoo soo daliishatay mudadii uu talada dalka gacanta ku hayay ama maamulayay Xusbiga Klmiye inuu dalka ka hirgaliyay wax qabad muuqda oo aan la hilmaami karin, imikana uu diyaar u yahay inuu geediga horumarineed halkaa ka sii amba qaadi doono gaadhsiina doono meel lagu badhaadho oo bulshada u hor seeda barwaaqo iyo xasiloonida oo sii adkaata isla markaana qarankani noqon doono mid la jaan qaada beesha caalamka ee horumartay.

Xoghayaha Guud ee waqooyiga Ameerika Xusbiga Kulmiye

Samia Fisher

Allaa mahad leh

Wa bilaahi tawfiiq

Advertisement

Ku Xayeysiiso