Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne ku Magaacabay Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka

Taariikh:  19/09/2017

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo ay summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5038/092017 ku Magaacabay Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso