Wadaad Kiristaan reer Filibiin ah oo afduubnaa Dawlada Islaamiga ah Muddo 3 bilood oo La Soo Furtay..

Wadaad Katooliga  una afduubnaa Kooxda Dawlada Islaamiga isku magacwda ayaa xoog lag soo furtay magaalada Marawi  ee koonfurta Philippine oo ay haystaan Kooxdani Wadaadkan ayaa  afar bilood ka hor la afduubtay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Philippine.

Wadaadka ayaa ka soo muuqday  xarun milatari oo ku taalla Manila Isniintii, Wasiirka Difaaca Delphine Lorenzana ayaa sheegay in wadaadka La soo badbaadiyey Sabtidii subaxnimadii intii uu socday weerar ay ciidanku ku qaadeen xarunta taliska ee xagjiriinta oo ku dhex yaal masjid ku yaal magaalada Marawi, AFP ayaa sidaa warisay.

Soganup Loogana Yaqaan Deegaanka Aabo Shito ayaa yidhi Isaga oo Gadhka La Baxay in xaaladiisa Caafimaad Wanaagsan tahay Waad ku mahadsantihiin oo waan idiin duceynayaa, Ilaahay ha idiin barakeeyo. Ii duceeya iigu ducyee Caafimaad.

“Jidh ahaan waan xooganahay oo qurux badanahay Intaas uun Baan sheegaya Wakhti Xaadirka,” ayuu yidhi wadaadkani, isagoo Kaftamaya Kana hadlaya Wixii soo maray.

Boqolaal hubaysan ayaa weeraray Marawi oo ah magaalo Aqlabiyadeedu tahay Muslim , Filibiina Aqlabiyadeedu waa Kaatoolik bishii May 23-keedii ayay qabsadeen qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Mas’uuliyiinta ayaa ku tilmaamay inay ay ahayd isku day lagu doonayo in ay aasaasaan xarun ku taala Koonfur-bari Asia si ay u dhisaan Maamul iyo Saldhiga Dhulka Philippine.

In ka badan 800 oo qof ayaa ku dhintay Marawi, qaybo badan oo ka mid ahna waa la burburiyey dagaaladii xigay, markii millatariga Filibiin ay qaadeen olole Maraykankuna ka taageerayay oo ay ku jiraan duqayn culus.

Rag hubeysan ayaa afduubtay wadaadkan Suganov iyo 13 ka mid ah oo ka socday kaniisad ku taala magaalada Marawi maalintii koowaad ee dagaalka, kadibna waxaa lagu soo bandhigay muuqaal fiidiyow oo muujinaya ragga hubeeysan.

Fiidiyowga ay sii daayeen afduubayaashu dabayaaqadii May ayaa wadaadka Suganov ay istaajiyeen burburkii dhismayaasha ee Marawi, isaga oo waydiistay madaxweyne Rodrigo Dutretti inuu ka noqdo xooggiisa oo uu joojiyo weerarka milatari.

Milatariga Philippine ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ay la wareegeen xarunta Hogaaminta dagaalyahanno daacad u ah Dawlada Islaamiga ah, iyada oo ku nuuxnuuxsanaysa in iska-caabintooda ay bilaabeen ay sii daciifiyso.

Ciidamada ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan xarunta taliska ee Kooxda hubaysan intii lagu jiray howlgalkii Sabtidii masaajid iyo dhismo kale la wareegeen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso