Stanislav Petrov oo adduunka ka badbaadiyey dagaal Nukliyeer ayaa Dhintay Isaga oo 77 sanno Jir ah…

Sarkaal hore oo ka tirsanaa Dalkii Midawgii Soofiyeeti Stanislav Petrov adduunkana ka badbaadiyey Dagaal Nuclear ah oo dhex mara Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisu marayso 77 jir.

Stanislav Petrov wuxuu ka shaqaynayay Xarunta Digniinta ugu Horaysa ee Midowga Soofiyeeti 26 December 1983-dii markii kombuyuutarrada xaruntu ay direen digniin been ah oo ku saabsan in laga soo riday Sawaariikh dhinaca Maraykanka.

Laakiin Petrov ayaa go’aan ka qaatay mas’uuliyadda shakhsi ahaaneed ee waxa dhacay waxaana u cadaadaty in ay tahay digniin been ah, mana uusan sheegin madaxdiisa.

Ficilkiisa xilligaas ayaa lagu dhawaaqay dhawr sano ka dib wuxuuna hor istaagay dagaal nukliyeer ah oo dhaca.

Askarigii hore ee Soviet wuxuu geeriyooday gurigiisa bishii May, laakiin dhimashadiisa ayaa lagu dhawaaqay Isniintii.

Inkasta oo tababarka la siiyey Petrov ahaa markaba in uu gaadhsiiyo kuna wargaliyo taliyayaasha ciidanka Soviet-ka isla markiiba, Petrov wuxuu la soo xidhiidhay xarunta dhexe ee ciidamada qalabka sida una sheegey in ay burburiyeen habka digniinta ugu horayso.

Haddii Petrov u khalad noqon lahaa go’aankiisu, qarax nukliyeerka kowaad wuxuu ku dhici lahaa daqiiqado gudahood.
Laakiin 23 daqiiqo ka dib waxba ma dhicin haddii u jiro weerar dhab ah waan ogaan lahaa.

Baadhitaan lagu sameeyay dhacdadan kadib ayaa shaaca ka qaaday in satellite-ka Ruushku uu soo gudbiyey iftiinka qoraxda ee dariiqyada qaar ka mid ah oo si khalad ah loo aqoonsaday in uu yahay Dhaqdhaaqayada gantaalaha Qaaradaha iskaga gudba.

Petrov oo shaqada ka fadhiistay ka dib markii uu ku shaqeynayey askari ka tirsan ciidamada Soviet, ayaa dhintay 19 May laakiin dhimashadiisa lama sheegin se waxa ogaaday ka dib markii uu telefoon u diray Soo Saare Jarmal-ka u dhashay oo la yidhaa Kari Schumacher si uu ugu hambalyeeyo Petrov dhalashadiisa, laakiin waxa la yaabay wiilkiisa Dimitri Petrov isaga oo sheegay in aabbihiis dhintay bishii May ee la soo dhaafay.

Schumacher ayaa ku dhawaaqay warka dhimashada Stanislav Petrov kuna daabacay internet-ka ka dibna waxa daabacay warbaahinta dalal kala duwan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso