Xildhibaan Ruush: Uma oggolaan doonno Washington inay Kula ciyaarto North Korea xuduudaheena

Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Golaha Federaalka ee Ruushka Constantine Kosachov, ayaa ku dhawaaqay in Moscow aysan oggolaan doonin in Washington ay howlgal militari ka fuliso xuduudkeeda.

Kosachov waxa uu carabka ku adkeeyay in North Korea ay ku khasbanaan doonto in ay ka jawaabto dhammaan wixii u banaan.

Gudoomiyaha Guddiga Caalamiga ah ee Arrimaha Golaha Federaalka ee Ruushka ayaa intaa ku daray in hawlgal milatari oo Maraykan ah iyo xulafadiisu ay ku qasbi doonaan Pyongyang inay ka jawaabaan dhammaan habka ay u leedahay, Ruushku uma oggolaan doono Washington inay tijaabooyinka noocaas ah la timaado xudduudaheeda.

Wakiilka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nicky Hailey ayaa sheegtay in Waqooyiga Korea haddii ammaanka Mareykanka iyo xulafadeeda halis geliso in la burburin doono.!

“Hogaamiyeyaasha Waqooyiga Kuuriya waxay sameyn doonaan wax walba oo kaga hortagaan faragelinta dibadda,” ayuu yidhi Kosachov oo u waramayay Saxfiyiin “Ilaa iyo inta ay Mareykanka iyo wadamada kale ee reer galbeedka ah kuwa isbahaysiga ah iyo kuwa Jaarka la ah waqooyiga Kuuriya … waxay u oggolaan doonaan faragelinta shisheeye iyo burburinta nidaamka halkaa ka jira, Waqooyiga Kuuriya iyo mas’uuliyinteeda ayaa sii wadi doona in ay wadaan barnaamijkeeda nukliyeerka. ”

Madaxa Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Federaalka ee Ruushka ayaa intaa ku daray kana digay in laga fogaado xalka milatari ee dhibaatada Kuuriya waxaanu kale uu ka digay in North Korea haddii ay dhacdo howlgal militari oo ka dhan ah waxay kaga jawaabi doontaa waxkasta oo ay hayso, taas oo cawaaqib weyn ku yeelan doonta gobolka iyo caalamka oo ay ku jirto Mareykanka.

Kosachov ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay hadalkii Tilerson, isagoo sheegay in habkan oo kale uusan xallinayn dhibaatada Waqooyiga Kuuriya, isagoo tilmaamaya in dhibaatada dalkani u baahan tahay xal degdeg ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso