Madaxweynaha Venezuela: Waxaan ahay Stalin-Ka Caribbean-Ka

Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in muuqaalka uga eg yahay hoggaamiyahii Soofiyeetka Joseph Stalin, wuxuuna Sheegay in uu aqbali doono in loogu yeedho “Stalin-Ka Caribbean-ka” iyada oo dad badani ugu yeedhaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay Axadi mar uu ka qaybqaadanayay Barnaamij TV: “Waxaa jira adduunka Stalin-Ka Caribbean sidaas ayaana la igu sheegaa dhab ahaantii waan u eekay.” Waxaanu hadalkiisa raaciyay: “Bal eega dhinaca Wajigayga waxay ila eg tahay, marka aan isku eego muraaada waxaan arkaa in aan u eekay Stalin.”

Hadalka Maduro ee u eekaanshaha hoggaamiyihii Soofiyeetka ee lagu yaqaanay xeelada adag ee loola dagaallamo mucaaradka ayaa ku soo beegmaysa dhibaatada siyaasadeed ee ba’an ee ka jirta dalkiisa tan iyo markii ay mucaaradku gacanta ku dhigeen inta badan kuraasta baarlamaanka intii lagu jiray doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Dalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso