Turkigu Oo Doonaya In Uu Noqdo Mid Ka Mid Ah Meelaha Ugu Wanaagsan Ee Dalxiiska Daaweynta Adduunka Oo Dhan

Turkiga ayaa doonaya inuu noqdo mid ka mid ah 5 dal ee ugu sareeya Dalxiiska Caafimaadka ee adduunka, Sidana Waxa uu sheegay Anadolia Madaxa Xidhiidhka Dalxiiska Caafimaadka ee Turkiga, Tawfiq Yazan.

Yazan ayaa sheegay in dalalka sida Mareykanka, Hindiya iyo Singapore ay yihiin kuwa ugu horeeya Dalxiiska Caafimaadka .

Waxaanu intaa ku Daray in Turkiga boos muhiim ah uga banaan yahay marka loo eego qalab iyo shaqaale labadaba .

Yazan wuxuu intaa ku daray in dalkiisu uu Qaabilay 800,000 oo shisheeye ah sannadkii hore ujeedadoona ahayd dalxiiska caafimaadka, isaga oo sheegay in ilaa 20 milyan oo qof oo adduunka ah ay u safraan dalalka kale isla ujeedadaas.

Waxa ugu muhiimsan ee Turkigu bixiyo ayaa ah caafimaadka iyo daaweynta , Yazan ayaa sheegay in sannadkii hore 120,000 oo Ruux timo loogu beeray Turkiga iyo qiyaastii 60,000 oo ah hawlo Qurxin ah.

Waxa uu intaa ku daray in beerista Beerku ay Maraykanka ku kacdo 90 kun oo doolar, halka Turkiga uu yahay qiyaastii 15 kun oo doolar, isagoo intaa ku daray in farqi badan u dhaxeeya Xaga kharashka uu ku kacayo.

Wuxuu tilmaamay in ay ujeedadoodu tahay in ay marti-galiso 4 milyan oo bukaan sanad walba, sannadaha soo socda, iyo in ay galaan shanta meelood ee ugu sarreeya Majaalkan Daawaynta.

Marka la eego Jinsiyadaha ugu badan ee u yimaada Turkiga dalxiiska caafimaadka, Yazan wuxuu sheegay in ay yihiin muwaadiniinta Bariga Dhexe ayna ugu sareeyaan liiska dalalka kale ee adduunka uga yimaada.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso