Weerarkii Green Parson: Tuhmane Loo Qabtay Bambadii lagu Qarxxiyey  Tareenka London

Mas’uuliyiinta Ingiriiska ayaa xidhay nin 18 jir ah magaalada xeebta ee Dover ee koonfur bari ee England isagoo looga shakisan yahay falalkii argagixisanimo oo lala xidhiidhiyay qarxinta Tareenka London.

Bilayska degaanka Kent ayaa xidhay tuhmaniha oo joogay  deegaanka dekedda Dover waxaana hadda lagu hayaa saldhig booliis oo maxalli ah.

 

Bilayska ayaa sheegay in ay la hadashay 45 qof oo markhaati ah ayna heshay 77 sawir iyo cajalad fiidiyoow ah Dhacdada.

Jimcihii, 30 qof ayaa ku dhaawacmay markii bam gacmeed Samays maxali ah  lagu qarxiyay tareen Gudihiisa  galbeedka caasimadda.

Dadka Dhaawacmay ayaa dhaawacyo  yaryar soo gaadheen isla markii la daweeyeyna ka baxay cisbitaallada marka laga reebo saddex qof oo weli ku jira Cusbitaal, sida ay sheegeen  Hay`adda Gurmadka Degdeg.

Kooxda isku magacwada Dawlada Islaamiga ah  ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax bamkii 8:20 subaxnimadii Jimcaha waqtiga London.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso