Daacish oo Qiratay In La Dilay Mid ka mid ah Hogaamiyayashi ugu caansanaa Daacish Sinai

Ururka Daacish Sinai State ayaa qirtay dilka hoggaamiye ururka oo haysta jinsiyadda Falastiin Dagaal Dhex maray Ururka iyo ciidamada Masar hawlgalkii u dambeeyey ee ka dhacay El-Arish waxaana lagu dilay oo kale 18 askari oo booliis ah.

Mohammed Jamal Abu Dalal, oo loo yaqaan ‘Abu Khaled al-Qanas iyo Abu Khaled al-Maqdisi’ oo Falastiin ka soo jeeda gacanka Gaza ayaa lagu dilay howlgal ay sameeyeen ciidamada Masar ee waqooyiga Sinai.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Maqdisi wuxuu ku sugnaa Liibiya halkaas oo uu ka qaybqaatay Dagaalka Daacish ka dibna uu ku noqday Gaza halkaas oo uu ka gudbay badda Mediterranean ka dibna wuxuu gaadhay Sinai.

Hubkii uu la soo Muuqday hoggaamiyahan Daacish sawiradana uu ku galay ayaa ah Hub Ay Sameeyaan Belgian , waxaana la sheegay in ay ku jireen Bakhaarda Kaydka Ciidanka Liibiya Waxaana la sheegay in la Jabsaday loona tahriibiyey Kooxda Daacish.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso