Shar-wade Harry Potter oo Gacanta u Galay Maamulka Singapore!

Booliska Singapore ayaa xidhay nin lagu tuhunsan yahay inuu diray farriimo hanjabaado ah oo ku qoran magaca Lord Voldemort, oo ah mucjisada ugu weyn ee taxane Buugaag ah ee John Potter’s .

Eedeysanaha oo 35 sano jir ah ayaa ku eedeysan in uu dadka Fariimo Email u diro uguna Hanjabo ayuu yidhi ilo booliis ah kana soo xigtay TVGa News Asia , Haddii lagu helo dambiga wuxuu waajihi doonaa xabsi laba sanno ilaa 5 sanno ah.

Horraantii toddobaadkan ayaa bilaysku waxa ay  heleen qiyaastii 20 qof oo cabasho ugu yimid dadkaas oo loogu hanjabay in ay waxyeelo loo geysan doono iyaga  iyo ​​qoysaskooda haddii aanay  lacag dhigin koontada “Lord Voldemort”.

Sida laga soo xigtay ilo ammaan ma jirto ilaa hadda cid bixisay  Lacagta la yidhi Bixiya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso