Gudaha Ka Eeg : Timo-Jare Serbian ah oo Ku Sawira Dadka Caanka Qadaadka Macaamiishiisa !!!

Dhawaan ayaa uu fafaay  Sawir Muran dhaliyey  oo ah Madaxweynaha  waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un  oo lagu sawiray Qadaadka Nin  kaas oo uu ku sawiray Timo jare Serbian ahi. Sawirkani ma aha shaqada kaliya ee Rayiislaha  “Mario Hafala”, laakiin waa shaqo  taxane ah oo uu sameeyo Rayiislaha “Mvala” kuna sawiro  madaxyada macaamiishiisa sideedii sano ee la soo dhaafay.

Mario  oo 33 sano jir ah wuxuu bilaabay inuu ku sawirro timaha isagoo ku xardha qalabka xiirista siddeed sano ka hor markii uu ka shaqeynayay Slovenia. Mid ka mid ah macaamiisha ayaa waydiistay inuu sawirro laba line oo toos ah madaxiisa, laakiin xamaasadi uu hayay  waxay u samaysay Rayiislihiisa  “Mafala” wuxuu ku sawiri jiray  madaxa macaamiisha iyaga oo ku faraxsan natiijada.!

Kadib markii uu ku soo laabtay Serbia, Timo-Jarahani  wuxuu helay magac  muddo gaaban isaga oo awood u yeeshay inuu sawirro , Sawiro farshaxanimo kuna sawiro Madaxyada  macaamiishiisa dadka Caanka iyagoo sax ah.

Laga soo bilaabo sawirka Nikola Tesla, Ninka Xariifka ku ah kubadda Tennis ka  ee Novak Djokovic, xitaa siyaasiyiin sida ra’iisul wasaaraha Serbia Alexander Vosic, dhammaan dadka caanka ah ayuu ku sawiray  macaamiishiisa si sax ah. Laakiin tiisii u  dambeysay waxay ahayd sawirka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo si weyn u soo jiidatay  warbaahinta Baraha bulshada iyo boggaga wararka.

Sawir kastaa  waxuu qaadanayaa 3 – 5 saacadood. Mario wuxuu adeegsadaa qalabka xiirista ee kala duwan  iyo wakhti badan si loo qorsheeyo, naqshadeynta iyo si uu ogaado sawirka ugu habboon si waafaqsan Qadaadka ama madaxa macaamiisha.

Si aad u hubiso in aad ka fogaato wixii qalad ah, Mario ayaa marka hore soo saaro naqshadda waraaqda ka hor inta aadan u wareejin madaxa macaamiisha, ka dibna wuxuu ku sawiraa naqshadda madaxa macaamiisha oo wuxuu bilaabayaa la shaqeynta maqas iyo makiinado.

Si aad u hesho naqshad gaar ah ahna qof caan ah macaamilku waa in uu  bixiyaa 120 €  Si Qadaadka loogu Sawiro Ruuxaas.

Warqavadka ToggaHerer

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso