Gudaha Ka Eeg :Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Sheegay In Muuse Biixi Uu Qiray In Arimaha Dibada Aanu Kaga Fiicanahay, Mushkilado Dalka Haystana Xalkeedu Uu Yahay Aqoonsi Somaliland Hesho .

 

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in Muuse Biixi, Musharaxa xisbiga Kulmiye uu qiray in arimaha dibada uu kaga fiican yahay Cabdiraxmaan Ciro, isla markaana Mushkilado badan oo dalka haysta xalkeeda uu u arko Somaliland oo aqoonsi Caalamiya hesha.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxa kale oo uu tilmaamay hadii la xisaabiyo inta Muuse Biixi uu dalka Ruushka joogay iyo inta Cabdiraxmaan Ciro uu joogay inay badato inta Muuse Biixi uu joogay Ruushka.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefishanka HCTV, kaas oo sidoo kale kaga hadlay baahiyaha magaalada Burco ee xarinta gobolka Togdheer soo wajahay mudadii xukuumada Kulmiye ay jirtay, waxaanu sheegay Musharax Cabdriaxmaan Ciro in baahiyo badani ay ka jirana dhinaca Caafimaadka, Tahriibka Dhalinyarada iyo Arimo kale.

Ugu horayna isagoo arimahaasi ka jira gobolka Togdheer ka hadlaya waxa uu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro “Marka la eego mashaakilka gobolka Togdheer iyo guud ahaanba Somaliland ka jira way balaadhan yihiin, waxyaabaha aanu dareenay shacbiga gobolkana aanu dareenkooda ka qaadanay waxa ka mid ah Caafimaadka, Cusbitalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ah cusbital uu dhisay maamulkii Ingiriisku oo mid kale aan laga dhisin gobolka, Adeegiisa waxa ugu dambeeyey adeeg wanaagsan oo uu helo gobolka Togdheer hay’adda MSF intii ay joogtay muddo saddex sanadood ahna wuu ka maqnaa, markaa adeeg Cusbitaalku uu bixiyo aad iyo aad ayuu u liitaa waana Cusbitaal loogu talogalay wakhti ay magaaladu yarayd, waxaanay xarun u tahay dhamaan gobolada bari, markaa waxaan is-leeyahay baahiyaha ugu weyn ee degdega badan ee gobolka Togdheer caafimaadka ayaa ka mid ah insha allaahu, waananu qorshaynaynaa in aanu wax ka qabano hadii Illaahay ka dhigo.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro, waxaanu intaasi ku daray “Gobolka Togdheer markii aanu waraysanay dadkii aan kaadhadhka codbixinta qaadan oo sodomeeye kun ah, waxay isku raaceen bulshadu in dadkaasi ay u badnaayeen dhalinyaro, dhalinyaradiina ay tahriibtay, markaa arintaasi waa arin xanuun badan ku haysa qaranka guud ahaan iyo waalidiinta iyo shacabka gobolka Togdheer, arintaasina waa arin aanu xusayno,Tahriibkana insha allaahu waxaanu ku talogalaynaa in rajadii shacbiga rajo la’aan ayay u tahriibeene la soo celiyo.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada qabyaaladu ay ku lahayd gobolka Togdheer, gaar ahaana magaalada Burco, waxaanu tilmaamay in dawada arintaasi ay ku jirto oo uu wado xisbiga Waddani, wakhti xaadirkana midnimadii gobolka Togdheer ay bilaabantay, waxaanu yidhi “Arinta saddexaad ee aan xusayo waxa weeyi, waxa aad maqli jirteen Burco bari iyo Burco Galbeed, waxaan isleeyahay dawadii arintaasi waxay ku jirtaa oo wadda xisbiga Waddani, midnimadii gobolka Togdheer way bilaabantay, anaguna gidaarkaa taagan ee jiray waanu burburinay, waxaana marag u ah Kacdoonkii shalayto oo aan bari iyo galbeed u kala qaybsanayn, Burco midaysan ayay ahaayeen, waaba laga yaabaa in Barigu u badnaa.”

Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay in Somaliland ay u baahan tahay Madaxweyne Aqoonsiga u keena, waxaanu tilmaamay in isaga iyo xisbigiisuba ay aqoonsi u keeni doonaan Somaliland. Waxaanu sidoo kale uu jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi “Musharax Muuse Biixi waxaan isleeyahay Ruushka intaan joogay iyo inta uu isagu joogay waxa laga yaabaa inta uu isagu joogay inay badnayd, waayo isagoo arday ah ayuu tagay, Sarkaal Milatariya buu ahaa, waxa laga yaabaa mudo lix sano ilaa todoba sano inuu wax ku baranayey dalka Ruushka, intii aan ka shaqaynayey aniguna intaa kamay badnayn. Maraykana isagaa iiga horeeyey oo waxbarashuu u tagay, waxaan isleeyahay intaanu qurbaha ku maqnayn aniga iyo Muuse ma kala badnin, inkastoo laga mar kasta uu igu tilmaamo qurbajoog, waxaan leeyahay waynu isku tiring doonaayoo intaad qurbaha ku maqnayd iyo intaan qurbaha ku maqnaa waxa laga yaabaa intaad qurbaha ku maqnayd inay badato.

Midna isagaaba qirayoo arimaha dibada inaanu kaga fiicanahay isaga, waxaan isleeyahay maanta Somaliland waxay u baahan tahay aqoonsi caalami ah oo beesha Caalamka ah insha alaahu qorshaha xisbigana waa ka mid in Somaliland ka mid noqoto beesha caalamka, waxyaabo badan oo mushkilado ah oo maanta haystana waxaan u arkaa in xalkeedu halkaa (aqoonsiga) uu ku jiro.

Arimaha Gudaha markaan usoo noqdo, waxaan isleeyahay geed aanan is-hoos taagin Somaliland ma jirto, waxaan ka mid ahaa dadkii aasaasay Asxaabtii ugu horaysay ee qarankani yeesho, waxaan ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Waddani imikana oday u ah xisbiga Waddani, waxaan isleeyahay waddanka gudihiisana inaan anagu Muuse Biixi kaga badsatay ayaan aaminsanahay oon qabaa.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso