Gudaha Ka Eeg :Wakiilka Ugu Da’da Yar Wakiilada Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Shir Caalami Ah .

Wakiilka Somaliland Ee Germany Mudane C.fataax Cismaan Cigaal ayaa Dalka Gemany kaga qeyb galay shir caalami ah  oo ka dhacay magaalada Bonn Ee Dalkaasi .

Waxaana shirkan loogu magac-daray “ Star Up Africa”, iyadoo uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dalka Senegal, Wasiiro iyo Safiiro kale, gaar ahaan kuwa Africa ee fadhigoodu yahay Dalkaasi Germanay, sidoo kale waxaa ku sugnaa shirkaasi Xog-hayah gaarka he e Ra’isal Wasaaraha Germany Anchela Markel .

Safiika Somaliland Ee Germanay oo lagu soo marti-qaaday Shirkaasi, ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga waramay Xaaladda Somaliland, iyo waliba Doorashada dhawaan ka dhici doonta Dalka, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay in Gacmo-furan lagu soo dhaweenayo cid kasta oo danaynaysaa Somaliland .

Waxaa Xusid mudan in Khudbadda Safiirku ay dareen gaar ah ku samaysay ka soo qeyb-galayaashi dhagaysanayay khudbadaasi, waxaana Madaxweynaha Senegal uu aad ula dhacay Khudbadda Safiirka, isagoo si kooban ula hadlay safiirka, kana markhi-kacay dadalka iyo horumarka dhan walba ah ee ay Somaliland ku talaabsatay .

Geesta kale Safiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Xog-hayah Gaarka ah Ee Ra’isal Wasaaraha Germanay oo lagu magacaabo Gunter Nooke, ahna La taliyaha Ra’isal Wasaaraha ee Arrimaha Africa, sido kalena ah Gudoomiyaha Africa Ee Wasaaradda Federalka iyo iskaashiga Dhaqaalaha, Waxaanu xog-hayuhu u ballan-qaaday safiirka in dalka Somaliland u soo diri doono koox ka socota Guddida Doorashada Dalka Germany, si ay u soo kormeeraan hanaanka doorasho ee Somaliland .

Sidoo  kale wasiiru dawlaha dhaqaalaha iyo maal gashiga dalka Nigeria Mr, David Ebowjua ayaa safiirka Somaliland ku marti qaaday shir ka dhici doona dalka Nigeria dabayaaqada bishan aynu ku jirno.

safiirka Somaliland Mudane C.fataax Cigaal ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxii qabanqaabinta shirkan isla markaana ah Gudoomiyaha Friedrich Naumman, labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka labada Dal.

safiirku waxaa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay inta badan safiiradii madasha ka soo qeyb galay .

Safiir C.fataax Cigaal ayaa muujiyay dadaal, Halka safiirkada Kale ee Somaliland ay u muuqdaan kuwo fadhiga ku qaata mushaharka, oo aan wax dhaq-dhaqaaqa ka samaynin wadamada ay ku suganyihiin .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso