Gudaha Ka Eeg :Haween-Waynaha Beelaha Baha-Dhamal Oo Taageero Laxaad Leh U Muujiyay Murashax Muuse Biixi Cabdi .

 

Haween-waynaha Beelaha Baha-dhamal ayaa habeenkii xalay ahaa xaflad balaadhan ku qabsaday Magaalada Hargaysa .

Waxaanay haweenkaasi ay xalay soo bandhigeen taageerada laxaad-ka leh ee ay u hayaan Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi .

Xafladdan ayaa waxaa ku sugnaa madaxda Haweenka Ee Xisibga ee Heer-qaran, iyo Heer-Degmo Iyo Haween-waynaha Beelaha Baha-Dhamal .

Xubno ku hadlyay afka haween-waynaha beelaha Baha-Dhamal oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin halka Madax-dhaqameedka iyo hormuudka Beeshu u soo sahamiyeen oo ah Xisbiga KULMIYE .

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Heer Degmo Marwo Xusni Maxamed Warsame oo halkaasi ka hadashay, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay midnimada Haween-waynaha Beelaha Baha-dhamal muujiyeen, waxaanay sheegtay in Xisbiga KULMIYE maanta yahay Xisbiga guusha ugu dhaw .

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Heer-qaran ee Xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cuma Ileeye ayaa gabo-gabadii halkaasi ka hadashay, waxaanay sheegtay in ay ku faraxsantahay taageerada mugga iyo miisaanka leh ee Beelaha Bahal-dhamal u muujiyeen Xisbiga KULMIYE .

Waxaanay sheegtay in loo baahanyahay in qof kastaaba kaalintiisa qaato, oo loo diyaar garoobo Doorashada Soo socota .

Beelaha Baha-dhamal oo ah beel-balaadhan ayaa haweenkoodii, Dhalinyaradoodii, Madax-dhaqameedkoodii, Wax-garadkii iyo aqoonyahankii Beeshuba isku raaceen Taageerada Murashax Muuse Bixii Cabdi .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso