Gudaha Ka Eeg :Jarmalka: Daacish Waxay Heshay 11 kun baasaboor Suuriyaan Madhan

Wargayska Jarmalka Bild am Sonntag ayaa ka soo xigtay Masuuliyiinta Berlin Ay Aaminsan yihiin in ka badan 11,000 oo baasabooro Suuriyaan ah ay gacanta u gashay Kooxda Daacish.
Wargeyska ayaa sheegay in Ilo sir ah oo ay ka heleen Booliska Federal ka iyo Wasaarada Daakhiliga

in baadhayaashu ay sameeyeen liis ay ku qoran yihiin baasaboorro banaan oo ay daabaceen masuuliyiinta Suuriya iyaga oo cadeeyey in baasabooradani yihiin dukumiintiyo asalka ah oo laga heli karo faahfaahinta shakhsiyeed.

Guud ahaan Hay`adda amniga Jarmalka ayaa sheegaya in 18,000 oo baasaboor laga xaday xarunta dhexe ee dowladda Suuriya kumanaan ka mid ahina u gacan galeen Daacish iyo Kooxo kaleba.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa wargeyska u sheegay “Baadhiso la xadhiidhiyey xaaladda qaxootiga ayaa muujisay in ururrada argagixisadu ay uga faa`idaysan kaaan fursaddan si ay u soo galiyaan weeraryahanno ama taageerayaal aan laga arki karin Yurub iyo Jarmalka”.

Waxa Cadaatay in kooxii ka dambeeya weerarrada Paris oo ay ku dhinteen 130 qof bishii Nofeembar 2015 ayaa helay inay siteen baasaboorka Suuriya.

“Baasaboorka la baddalay ayaa inta badan loo isticmaalaa si sharci darro ah si loogu galo iyada oo aan ruuxuba Fulinayay weerarro argagixiso”.

Sida ku cad dukumiintiyada, “Bild am Sonntag” ayaa soo warisay in 8625 baasaboor ay jeegareeyeen hey’addaha ajnebiga ee Jarmalka sannadka 2016 lagu ogaaday inay been abuur yihiin.

Laakiin dokumantiyada kuma jirin wax macluumaad ah oo ku saabsan sida baasabooradani ay u gaadheen qaxootiga.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso