Maanso Cusub Dadku Aalle Maaha Abwaan Qaamuska Qarniga


MAANSO CUSUB :DADKU AALLE MAAHA
Ereyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga)

Qof kastaba aduunyada .
Ogow waxaanad eegayn.
Inuu kuula iman karo.
Ileyn lama qaniinoo,
Dadku aalle maahee.

Xurmo intuu ku siiyiyo, 
Dhaqankaad ka aragtaa,
Kaa khuseeya adigee;
Ha is odhan ku qiimee,
Intuu duunyo haystiyo ,
Qofku siduu u eeg yahay.

Dabci  la iska keeniyo,
Is wanaajin ruux wada,
Ha u raxlaynin adiguye,
Is daad raacintiisani,
Horta eeg waxay tahoo;
Noqo ruux akhriyi kara,
Ujeedada nin leeyahay.

Nacas lagama eed baxo,
Kolay yaal agtaadee,
Ka ku eeg yidhaayee,
Sidii ceel ul kugu daya,
Mid ka weyn adowgii,
Adiguna ku yool baadh.

Waa astaan gobeede,

Ha iloobin waligaa,

Ruux abaal yar kuu galay.

 

 

 

Geed kastana aduunyada 
In gubtaa ku taaloo
Nina iin ma waayee
Si,aan taada loo arag
Astur ceeb qof leeyahay.

Anbaqaadka geediga 
Haduu goosto aadmigu 
Inuu koro cirkaa sare
Dhulka inaad hawaartaa
Aday  kugu tahayba liitiye 
Ku dadaal itaalkaa 
Halkuu aaday qayrkaa.

Koley ooli mayside

Ajal haday ka daran tahay,
Ha agmarin xaqiiqdoo
Allaa risiqa bixiyee 
Ha amaahin garashada
Waligaa qof aadmiya

Advertisement

Ku Xayeysiiso