Gudaha Ka AkhriCiraaq: Waxay Haysaa 1,400 oo Xaasas Ajanbi ah iyo Caruur isugu jira oo Daacisha

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Gargaarka ayaa sheegay in Maamulka Ciraaq ay hayaan 1,400 haween iyo caruur ajaanib ah laguna tuhunsan yahay Daacish kadib markii ciidamada Ciraaq ay ka saareen ururka mid ka mid ah goobihii ugu dambeeyay.

“Inta badan haweenku waxay ka yimaadeen Turkiga qaar badan oo ka mid ah waddamadii hore ee Soofiyeetka, Talyaaniga, Azerbaijan iyo Ruushka, sidoo kale waxaa jira qaar ka yimid Aasiya iyo tiro aad u yar oo Faransiis iyo Jarmal ah” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan millatariga Ciraaq.

Sidoo kale saraakiisha amaanka ayaa tilmaamay in hay’adaha amniga ay ku jiraan habka loo xaqiijinayo jinsiyaddooda dalalkooda maadaama oo aan haween badani haysan dukumiinti asal ah, masuuliyiintuna waxay sidoo kale wadahadal la galayaan safaaradaha dalalka iyo haweenka dib u celintooda ugu yaraana 13 wadan ayaa la sheegay.

Xero Koonfurta Mosul ku taal oo ay ku sugan yihiin Dumarkan iyo Caruurtani ayaa marba marka ka dambaysa tiradoodu sii kor dhaysaa iyaga oo isu dhiibaya Ciidamada Peshmerga ee Kurdiga meel u dhow magaalada waqooyiga ee Tal Afar.

Ciidamada Peshmerga ayaa haweenka iyo caruurta u dhiibay ciidamada Ciraaq laakiin waxay xidheen ragga kuwaas oo la aaminsan yahay inay yihiin dagaalyahanno.

Dhibta ugu Xoogan taagan ayaa Waxay tahay in ka badan 1,000 carruur ah kuwaas oo badidoodu aanay garanayn waalidkood ma xasuusan karaan magacyadooda iyo wadamada asal ahaan ka soo jeedaan ha ahaato dhaawac nafsi ah ama Da`diisa Awgiis.

Dhaqdhaqaaqayaal ayaa isku dayaya inay aqoonsadaan maxaabiista xeryahalaakiin shaqadan waa mid aad u gaabis ah oo aad u adag.

Dhanka kale Masuuliyiin Faransiiska ayaa tilmaamaya baahida loo qabo in maxkamad la saaro muwaadiniintooda la ogaaday inay ku lug lahaayeen Daacishsh ee Ciraaq.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso