Gudaha Ka Akhri NATO: Waqooyiga Kuuriya waa khatar caalami ah

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in tallaabooyinka Waqooyiga Kuuriya ay samayanso ee Tijaabooyinka Ganataalada iyo nukliyeerka ay keenayaan khatar caalami ah oo u baahan wax ka qabashada bulshada caalamka.

“Dabeecadda aan mas’uuliyadda laheyn ee Waqooyiga Kuuriya waa khatar caalami ah oo u baahan jawaab caalami ah oo ay ka mid tahay NATO dabcan waxaan ku boorrinaynaa North Korea inay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo baadhitaanka nukliyeerka sababtoo ah waxa uu xadgudub ku yahay qaraarrada Golaha Amaanka” ayuu yidhi xoghayaha guud Stoltenberg oo wareysi lala yeeshay.

Xoghayaha Guud ee NATO ayaa intaa ku daray in tijaabooyinkani halis ku tahay nabadda iyo xasiloonida caalamka loona baahannahay in xal siyaasi ah loo helo dhibaatadan.

Stoltenberg ayaa tilmaamay in North Korea ay tahay in ay ka tanaasulaan barnaamijyadooda nukliyeerka iyo Gantaalada isagoo ku baaqay in si wadajir ah loogu jawaabo Waqooyiga Kuuriya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso