Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Waddani? Qaybtii Afaraad.

 

Maxaa Ka Khaldan Doodaha Xisbiga Waddani?

 

Qaybtii Afaraad.

  1. Waddani waxa uu isbarbardhig ku sameeyay doorashada Kenya iyo ta Somaliland,inkastoo labadaa doorasho ay duruufa kala duwan ku kala suganyihiin,tusaale ahaan tirada isu diwaangalisay doorashada Kenya waa 19,743,716,halka Jamhuriyada Somaliland tirada isu diwaangalisay doorashadu ay tahay, 873,331,taasi oo ka noqonaysa 4.4% tirada dalka Kenya ka codaynaysa. Dhinaca kale doorashada Kenya waa shan doorasho oo isasaaran sida doorashada madaxwaynaha, Golaha sare (Senate), Wakiilada (National Assembly),badhasaabada (County governors) iyo waliba golayaasha deegaanada,halka Jamhuuriyada Somaliland doorashadu ay mid kaliya ay tahay, taasi oo ah doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka.

Sidaa daraadeed dooda Xisbiga Waddani ee isbarbardhiga doorashada Kenya iyo ta Somaliland waa mid jaban oo aan la isbarbardhigi karin,waayo Kenya tirada codaynaysaa aadbay u badan tahay,ilaasashada Xisbiyada ee codkuna uu dhib badan yahay,halka Somaliland tiro aad u yari ka codaynayso ayna u fudud tahay in xisbiyadu ilaashadaan codkooda.Ta kale labada doorasho isku hab ma aha,midna shan doorasho ayaa isa saaran,midna waa hal doorasho  oo kali ah.

Ta kale xisbi kasta muraaqibkiisa ayaa u saxeexaya goob kasta inta ooga codaysay,taasi oo xisbi waliba isku gaysan karo si dhib yar.

  1. Dooda Xisbiga Waddani ee odhanaysa waxa aanu 250% kordhinaynaa mushaarooyinka iyo gunooyinka ciidamada waa mid aan macquul ahayn marka la eego qaab dhismeedka dakhliga dawladeena. Miisaaniyadii u danbaysay ee 2017 waxa ay ahayd $360 million dollars,halka ku dhawaad,qiyaas ahaan 50% miisaaniyadeenu ku baxdo amaanka (Security),taasi oo noqonaysa 50%*$360 million dollars =180 million dollars,marka la kordhiyo 250% $180 million dollars ,waxa  ay noqonaysaa,2.5*$180 millions = $450 millions,oo ka badan miisaaniyad guud ahaan la rajaynayo 2018,oo haday ugu badato la rajaynayo in 20% ay ka badato miisaaniyada 2017,taasi oo ahayd $360 millions,sidaa daraadeed miisaaniyada la filikaro 2018 waa $432 million dollars.

Markaa fadlan ila eeg miisaaniyada la filayo 2018 waa $432000,halka miisaaniyada Waddani uu ina leeyahay  amaankaan ugu talo galayna tahay $450 million dollars,taasi oo miisaaniyada guud ka badan $18000 million??????????????????????????????????????????????????????????????.

  1. Waddani waxa uu laba todobaad ka hor lahaa Murashaxa Kulmiye deegaankiisu lama socdo,markii ay arkeen in galbeed siduu u dhamaa dhinaca Muse bixi marayna,waxa ay ina leeyihiin reerkiisii ayuu ku meeraysanayaa,sida ay xaqiiqadu tahay murashax waliba deegaankiisa iyo deegaanada raga la tartamaya waxa quman in uu cod ka raadiyo.

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso