Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE Oo Hadhimo-Sharafeed U Sameeyay Madax-Dhaqameedka Iyo Qoor-Waynta Beelaha Gaashaambuur (Ciidagale) + Sawiro

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee KULMIYE Muj Muuse Biixi ayaa maanta hadhimo-sharafeed u sameeyay Madax-dhaqameedka iyo qoor-waynta Beelaha Gaashaambuur Ee (Ciidagale) .

Munaasibaddan qado-sharafta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuulyiinta ugu saraysa Xisbiga, Dhamaan cuqaasha hormuudka u ah Beeshaas, Guddida Guud Ee Beesha, odayaal, aqoonyahan, culimo, ganacsato, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale .

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Maaliyadda C.casiis Samaale oo ku hadlayay afka Murashaxa Muuse Biixi Cabdi, Waxaanu sheegay in ay Beelaha Gaashaambuur ay doorkan uga fadhiyaan Codkooda iyo cududooda oo midaysan .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo halkaas isna ka hadlay ayaa sheegay in Beeshani tahay beel balaadhan, isla markaana ay cududooda taageero ay diyaar ula yihiin Xisbiga KULMIYE .

Waxaa iyaguna Halkaasi ka hadlay Cuqaasha Beelaha Gaashaambuur oo kala ahaa Caaqil C.Wali Cabdi Jaamac, Caaqil Jaamac Muuse Yuusuf, Caaqil Mawliid Iimaan Mooge oo dhamaantood sheegay in ay diyaar ula yihiin Codka iyo Ducadii abtinimo labadaba .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Beelaha Gaashaambuur Maxamed Muxumed Cismaan , Waxaanu sheegay in beel ahaan ay Xisbiga KULMIYE diyaar ula yihiin Codkooda .

Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Degamda Balli-mataan SHeekh Khaddar Aw Xirsi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maaaxilkii kala duwana ee uu soo maray Dugsiga boodhinka ah ee Degmadaasi, waxaanu sheegay in Culays badan ay kala kulmeen baro-kacayaasha abaaruhu soo barakiciyeen, waxaanu sheegay in murashaxa uga fadhiyaan ballan-qaad ku aadan wixii uu ka qabanayo waxbarashada iyo horumarinta deegaankaasi .

Waxaa iyaguna halkaasi ka Dr Ismaaciil iyo Haldoor kale waxaanay dhamaantood sheegeen in codkooda ay la barbar taaganyihiin Murashax Muuse Biixi Cabdi .

Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi, Waxaanu ugu horayn uga mahad naqay Beesha sida ay u soo ajiibeen Casuumadda uu u fidiyay, Sidoo kale waxaa uu uga mahad-naqay taageerada iyo cududda midaysan ee ay u muujiyeen .

Murashax Muuse Biixi Cabdi ayaa u ballan-qaaday in uu wax ka qaban doonoo dhamaan qodobadii ay beeshu u soo bandhigtay haddi uu doorashada ku soo baxo oo uu guulaysto .

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso