Wixii aan kala kulmay Laba Masuul oo ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo!

Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL.

Qof kasta oo xil iyo masuuliyad ummadeed qaadaa waxa uu ku jiraa imtixaan natiijadiisa laga daalacan doono diiwaannada taariikhda, kaas oo uu qofna ku guulaysto, midna guuldarraysto. Imtixaankaa waxa lagu qiimeeyaa xil-gudashadiisa, xilkasnimadiisa, waxqabadkiisa, mawaaqiiftiisa, daacadnimadiisa, hoggaamintiisa, iyo hibooyinka la xidhiidha xallinta mishkiladaha iyo maaraynta duruufaha hadba soo fool yeesha. Waa laga yaabaa in dadku ku kala aragti duwanaado qiimaynta qodobbadaa, hase yeeshee waxa aakhirka ka marag furta taariikhda oo ah jire markhaati ah.

Toddobadii sanno ee ay jirtay Xukuumadda Kulmiye, masuuliyiin badan ayuu Madaxweyne Siilaanyo xilal u igmaday. Qormadan waxaynnu ku eegi doonnaa aragtidii aan ka qaatay laba masuul oo aan marar kala duwan la kulmay. Waa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska JSL Sarreeye-Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Maxamuud Xaashi Cabdi:

Ka hor Xukuumadda Siilaanyo, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu soo noqday Maayarkii ugu horreeyay ee magaalada Burco (oo uu 27-jir ku noqday) iyo mudane ka tirsan Golaha Wakiillada JSL. Magaciisu waxa uu mar kale saaxadda siyaasadda ka muuqday 2010 oo ku astaysan curashadii guusha Kulmiye iyo dhismihii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. 5 sanno oo ka mid ah muddo-xileedka madaxweynaha waxa uu ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, iyada oo lagu xusuusto waxqabadkii ballaadhnaa ee uu ka hirgaliyay madaarrada Hargeysa iyo Berbera, isaga oo gaadhsiiyay heer ay diyaaradaha adduunka ugu muctarifsani ku soo hirtaan. Labadii sanno ee u dambeeyay waxa uu Wasiir ka ahaa Wasaaradda Madaxtooyada oo muhiimad iyo miisaan gaar ah u leh qaranka, maadaama oo uu yahay qofka ugu dhow ee gacanyaraha u ah Madaxweynaha. Wasaaraddan, si gaar ah ayay bulshadu isha ugu haysaa. Maxamuud waxaan la kulmay muddadii uu Wasiirka ka ahaa Madaxtooyada.

Maadaama ay suuqa ku jirto in han hoggaamineed oo heer qaran ahi ku jiro Maxamuud Xaashi, ayaan xoogga saaray inaan u fiirsado sida uu wax u wado muddadii aan la joogay.

Kulankayagii kadib waxa iiga baxay inuu yahay nin deggan, oo si miyir leh u guta xilka uu qaranka u hayo, isla markaana masuuliyiinta kale ee xukuumadda ku ixtiraama xilalka ay dalka u hayaan. Waxa kale oo iiga baxay in aanu ahayn nin qab weyn oo isla kibirsan ee uu yahay qof wax dhegaysanaya, qof walbana qiimihiisa ku ixtiraamaya. Waxa iiga baxay inuu yahay nin war cad oo hadduu ballan kula galo sidiisa u fuliya. Ugu dambayn, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaan u arkay nin ka culus xilka uu hayo, oo aan xilku isaga ka cuslayn.

Madaxweyne Siilaanyo waa macallin iyo ruugcaddaa siyaasi ah oo samir badan, qofka ka ag dhowaada ee u samraana kuma qado ee wuu ku faa’iidaa sida Musharrax Muuse Biixi ba uga faa’iiday wada-shaqayntii nafhurka lahayd ee Madaxweynaha. Sidaas darteed, Maxamuud Xaashi laftiisa kuma qadi doono haddii uu is waafajiyo ka-midho-dhalinta hammigiisa mustaqbal iyo hirgalinta geeddiga siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye maanta ku beegsanayo inuu talada dalka mar kale haaneedo.

Cabdillaahi Fadal Iimaan:

Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu ka mid ahaa ballaysinkii ugu horreeyay ee lagu aasaasay ciidanka Booliska JSL. Muddo ku siman rubuc-qarni ayuu ka mid ahaa qodimmada ugu mudan ee amniga qaranka. Waayo-aragnimo dhammaystiran oo dhinacyo badan leh ayuu u leeyahay hawlaha amniga. Shaqada kama uu bilaabin halka uu maanta ku magacaaban yahay, waxa uu se ka soo bilaabay meel aad u hoosaysa. Xukuumadda Siilaanyo ka hor waxa uu soo qabtay xilalka kala ah baadhe, taliye-xigeen saldhig, taliye saldhig iyo hoggaanka hawlaha ee ciidamada Booliska. Marka ay sidaa tahay, waad dareemi kartaa in aanu ahayn qof ku soo booday xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska, bal se uu yahay qofkii ugu habboonaa ee masuuliyadda nabadgalyada qaranka lagu aamini lahaa. Muddadii uu Taliyaha Guud ee Booliska ahaa, waxa u suurtogashay in ciidamada Boolisku tiro ahaan iyo tayo ahaanba kordhaan, isla markaana ciidamadu guulo waaweyn ka gaadhaan dhinacyada qalabka, tababarrada iyo xoojinta hawlgallada amniga guud ee qaranka. Akhriste, waxa aad markhaati iiga tahay in aynnu dedaallada Ciidamada Booliska dhammaanteenba ku lednay. Sidoo kale waad dareemi kartaa culayska masuuliyadda nabadgalyada dal curdin ah oo nabdoon oo ku yaalla mandaqad ololaysa.

Dabci ahaan, waa nin deggan, feejigan oo fiiro dheer. Waxa uu wakhtigiisa inta ugu badan ku soo jeedaa sugidda nabadgalyada oo ah masuuliyad aan sinnaba loo dhayalsan karin. Waa masuul baadhis qoto dheer iyo go’aan qaadasho hufan ku saleeya go’aamada xasaasiga ah ee shaqadiisa la xidhiidha. Inta aan ka arkay, waa masuul ka xor ah inuu ku go’aan-qaato qof-nacayb, caaddifad, cadaawad, iyo ciilqab intaba. Dedaalladiisa iyo shaqadiisa waxa ka marag ah taariikhda.

Ugu dambayn, si loo baadhi-taaro dedaallada ummadeed ee Sarreeye-Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaan ku talin lahaa in Madaxweynaha Qaranku ku abaalmariyo shaqo-wanaaggiisa, isla markaana uu laba derejo kor u dallacsiiyo, kana dhigo Sarreeye-Guud.

Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL

Email: afhayeenkawaxbarashada@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso