Talo Ku Socota Shacabka Reer Somalia Iyo Dowlada Somalia !

Talo Ku Socota Shacabka Reer Somalia Iyo Dowlada Somalia !

 

Sida aad la wada socotaan waxa dhawaan magaalada Muqdisho ka dhacay in shaqsi Somali ah oo lagu magacaabo Cabdikariin Shiikh Muse “Qalbi dhagax” loo dhiibay dowlada Somalia !

 

Hadaba waxa muhiima in dadka reer Somalia mid fahmaan bulsho ahaan , taaso ah inay kala gartaan awalan Somali iyo Somaliya dalka la dhaho, dhibaatada ugu wayne maskixiyan dadka reer Somalia saamaysayna waxay tahay afkaartii qarnigii 19-aad ee raadinta shanti Somaliyeed oo runtii ahayd mid xaqa wakhtiga ilaa hadana dadka qaar ku fekeraan ayaa raad culus ku yeelatay maskaxaha dadka reer Somalia, waxa intaa u dheer oo dhibaato wayn ah maamulka dowliga ee ka jira dalka Somalia-na wuxu u dhisan yahay ama u qayb san yahay shanti Somaliyeed , taasina maaha mid xaqa oo waa dad dowladnimadoodi lagu dul maalayo loona sheegayo riyo iyo waxan wakhtigan howl yarayn !

 

Bulshada reer Somalia waxa muhiima ah inay fahmaan in siyaasadii raadinaysay midowga Somalidu ay dabarkii koobaad yeelatay 1963-dii markii la dhisayay ururkan hada loo yaqaan Midowga Afrika, kaaso markii laga hadlayay waxa Africa xad u kala noqonaya oo dowladihii xiligaa xorta ahaa intooda badani isku raaceen in Africa xadkeeda lagu saleeyo kii gumaysiga, taasi waxay ka hor timi afkaarti iyo fariinti siyaasada Arimaha dibada ee Somaliya xiliga ay siday oo ahayd in Qowmi wax lagu dhiso laguna saleeyo horseedina lahayd in Somalidu guud ahaan mid noqoto.

 

Sido kale waxad muhiima in la fahmo 1960-kii in labadii ugu horeeye dal Somaliyeed ahi ay si bilaa shuruuda isugu biireen iyado waliba ay dadka reer Somaliland dowladnimadooda keeneen Muqdisho si ay walaaladood wax ula yeeshan shanti Somaliyeedna loo raadiyo , lakin markii 1963-gii Ururka midowga Africa soo saaray xeerka jidaynaya in xuduudaha Africa yihiin kuwii isticmaarka waxa markiiba is badashay siyaasadii arimahada dibada ee Somalia waxanay noqotay mid lagagaso adkaaday xaruntii Midowga Africa, dabadeed waxa wajigii dhulalka Somalida ee ku kala maqnaa Kenya, Ethiopia iyo Djibouti oo xiliga Faransiisku haystay ay noqotay in waji kale lagu raadiyo sidii loo xorayn laha taaso aad ogaydeen wixi ay ina dhaxalsiisay burbur iyo kala furfurnaan.

 

Manta idiinka warami maayo xaaladaa laso maray iyo ta aad manta ku jirtaan toona dadkuna hadaanay wacyiga la noolaan oo xaqiiqada kuso dhawaan waysii jabaan , Manta Somaliya-dii hore ayaa kala tagtay oo waad ogtihiin in Somaliland goosatay ayna gooni isu maamusho , sido kale waxad ogtihiin laydiin kala jajabiyay maamul goboleedyo iyo wax la mida oo sii wiiqday jiritaankiini iyo qiyamkiini dowladnimo.

 

Hadaba maxay tahay sababta ugu wayne dabada ka riixaysa inad manta ka cadhootan ama ka mudaharaadan shaqsi dhalasho ahaan kaso jeeda qowmiyada Somalida ee dalka Ethiopia ! Sidaadse ugu qaadatan inuu yahay muwaadin dalkiina u dhashay ! Taasi waxay tahay runtii  mid qalada sababtana waan idiin sheegaya oo qarnigii tagay markii dadka Somalida laysla doonayay in la mideeyo oo laso xoreeyo sedexda marka maqnayd waxa dowladnimada Somalia waxa maamuli jiray dad kaso jeeda guud ahaan umada Somalida taaso keentay in ciidamada iyo haayadaha kale dowladnimada ay ku dhex jiraan waxayse ahayd wakhtiga mid lagu qasbana oo wixii la doonayay ka turjumaysa, sidoo kalena waxa jabhadii Somalida Ethiopia ku dhex jiray oo ka mid ahaa dad kaso jeeda Somalia oo wakhtiga iyaguna u arkayay inay yihiin dad u halgamaya dhul ay leeyihin oo ka maqan ayna ahayd runtii.

 

Waxan taa uga socda micna buuran kuma fadhido in “Qalbi Dhagax” ka mid ahaa ciidamadi Somaliya kuna dhaawacmay 1977-kii waayo wuxu ahaa shaqsi aaminsan in dhulkiisi loo xoraynayo Somalinimadii qarniga la raadinayayna ay ahayd laf dhabartiisa.

 

Xaaladahaaso dhan oo jira manta idinkoo og halka xaalkiinu marayo iyo sida rubuc qarni ay dowladnimadiinu u burbursanayd ma idinla tahay in aad ka shaqayn kartaan afkaar aynu ku jabnay inakoo midaysan oo qalbiyana wada socona dowlad xooglehna haysana ! waxan qaba in manta Muqdisho uga barooranaya “Qalbi Dhagax” inuu yahay nimaan eegin halka uu joogo iyo xaaladaha ku xeeran toona, maanta soo kabashaad u baahan tihiin dowladiina oo aad taageertaan bad u baahan tihiin waad ogaydeen sidii markii Farmaajo la doortay aad u taageerteen waxanay ahayd mid xaqa oo aanu ku faraxnay runtii , manta yididiilo ayaa no muqata waxanan hadalka oo aan bulshada ku badiyay darted kuso koobaya ilaa hada Farmaajo wuxu ka shaqaynaya waa dhisi diina , manta awood ad jabhad ku hubaysan ma lihidin midaad saldhig ku siisaan ma lihidin , mid aad kagaba hadashaana ma lihidin, marka fadlan dowladiina taageera oo la shaqeeya kana shaqeeya sidii ad dowladnimadiina u dhisan lahaydeen.

 

Dowlada Fariintan u diraya waxay tahay !

 

Madaxwayne farmaajo runtii wuxu muujiyay dadaal iyo karti badan, waaqacana cid uga xog badani ma jirto qofkuna hadanu waaqaca la noolan wuxu noqonaya in manta CIRAAQ jooga oo ka sheekaynaya Xisbul Bacsigii Sadaam Xuseen.

Madaxwayne iyo Raysal Wasaare waxa idiin taala shaqo culus oo la rabo inad karaamadiini kuso ceshataan waanad wadaan oo wan ogahay wanan ku qanacsanahay inaad meel wacan gayn doontan waxanse awalan idinka codsanaya waxay tahay in aad ka shaqaysaan sidii dalkiinu uga bixi lahaa “4.5” oo runtii ah bahalka ugu wayne isuso xareeyay dhurwaayada fara badan , waaka wax idinla siiyay nin Carta degan ama Diridhaba degan ee uu dowladnimada Xamar wax kaga doonayo, Somalia-na dhibka ugu wayne yaala waxa weeye dowladnimadeedi waxa wada yeeshay Somali oo dhan de xaqiiqdii xaqna maaha, kuso celiya haylkalka dowladnimadiina gacmihiina oo dhamaan xilalka golaha fulinta ka saara dadka aan xaqiiqo ahaan kaso jeedin Somalia, taasi waa daawo iyo dadku bartaan yaa leh Somalia.

Madaxwayne waxan kalo ku daraya manta dadkaagu inay xaqiiqada ogaadan waa waajib usoo istaag inad umadada runta u sheegto xata kuwa xidigta cad eegta ee shanta Somaliyeed aminsan in aanay maanta maalinteedi ahayn, manta inaka daawo u baahan ba jawaab cad u ah umadada, waxanad manta leedahay laba cadow oo kala ah siyaasi danaysta oo xil doona balse wax kalo ka danbeeya anay jirin iyo shacab aan faham buuran ka haysan halka wax marayaan iyo xiliyada is badalay ee la rabo in la aqbalo , ma jiro qof kugu diidi kara inay Subaxnimadu subaxnimo tahay, labada qolana waxan kugula talinaya in aanad wakhti galin siyaasiyiinta balse aad ku dadaasho sidii ad quluubta reer Somalia u hantiyi lahayd, waayo waan huba oo maad joogteen lixda bilood hadanad haysan quluubta dadka wan huba inaadan ka dhamaateen mooshin baarlaman iyo wax la mida oo meelo kale laga wado.

 

Taa waxan ku daraya madaxwayne ama raysal wasaare in aad wax ka badashaan qaabka sirta dowladu u howl gasho taaso ay tahay in xafiisyadiinu ay helaan xogaha saacad saacad xata maaha mid maalinla si looga hor tago falalka keeni kara jawi siyaasadeed sida arintan manta oo kale.

 

Sidoo kale waxan taladayda xagiina ku socota oo aan badnayn aan ku dari lahaa wadamada jaararku iyo dunida aad la tacaluqdaan waa inad awood ku saartan in aanay xogin ama muujin wax saamayn ku yeelan kara dowlnimadiina oo waa inay idiinla shaqeeyan qaab  la mida kaad kula shaqaysan !

 

Guud ahaan hadalkayga oo dheeraaday waxan kuso koobaya Alle haydiin barakeeyo dalkiina iyo dadkiinaba dowladnimadiina Alle ha quweeyo, talaabada ad qaadeena waa tii koobad ee aad dowladnimadiina ku yeelanayseen.

 

 

Mohamed Ahmed

Hargeisa/Somaliland

Maxamed.1980@hotmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso