Wegti uu Hoggaaminayo Murrashaxa KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Idhanka iyo Geed-ballaadh

Idhanka/Geed-ballaadh(ToggaHerer)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Idhanka Deeroyahanka iyo Geed-ballaadh oo duleedka waqooyiga kaga beegan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.
Murrashax Muuse Biixi iyo Weftigiisa oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin, xildhibaanno, salaadiin, hoggaanka garabka Haweenka heer qaran ee KULMIYE, maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Gabiley iyo xubno kale, ayaa si ballaadhan waxa deegaannnadan ugu soo dhaweeyey salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada, kuwaas oo muujiyey sida ay taageerada buuxda ugu hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso