Gudaha ka akhriso Baarlamaanka Catalonia Oo  ansixiyay afti ku saabsan in ay Xoriyad ka Qataan dalka Spain

Dowladda Spain ayaa qaban doonta shir deg-deg ah si looga wada hadlo go’aanka baarlamaanka maxalliga ah Catalonia  ee ansixiyey in la  qabato afti ku saabsan xorriyad in ay ka qaataan dhulka  Spain.

Xukuumadda Isbaanishka ayaa la filayaa inay Maxkamadda Dastuuriga ka codsato in ay qaaddo tallaabo degdeg ah si looga hortago in aftida la qabto horraantii Oktoobar.

Ra’iisul-wasaaraha Mariano Rajoy ayaa qorshaynaya inuu kala hadlo arintan hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Aqlabiyadda baarlamaanka maxaliga ah ee Catalonia ayaa ogolaaday sharciga aftida fadhi socday Saacado Badan Habeenkii Xalay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso