Gudaha ka akhriso Gobolka Kurddistan oo Ku Adkaysanaya Aftida “dib uma dhigi doono hal daqiiqo”

Gobolka Kurtdistan ayaa gaashaanka ku dhuftay in dib loo dhigo ama la joojiyo Aftida ay kaga Go`ayaan Ciraaq inteeda kale aftidaas oo la qorsheeyey in September 25 ay qabsoonto, inkastoo ay jiraan dadaal caalami ah iyo mid goboleed oo ay Erbil loogu jeedinayo in ay joojiso aftida sidoo kale xukuumadda dhexe ee Ciraaq ayaa diidan kana Soo horjeeda aftida iyo natiijadeedaba.

Guddiga sare ee aftida ee gobolka Kurdistan ayaa shir ay yeesheen kaga dooday Arrinta aftida shirkaas oo uu shir guddoominayey madaxweynaha dalka Massoud Barzani waxaana looga hadlayay natiijadii booqashadii dhowaan wafdigii Kurdi ahi ku tagay Baqdaad oo ku saabsan mawduuca aftida iyo sidoo kale natiijooyinkii Wadahadalkii Barzani la yeeshay Matisse ee magaalada Erbil maalin ka hor shalay.

Afhayeenka Barzani ayaa yidhi: “Waxaa jira Go`aan ka yimid Madaxweyne Massoud Barzani in aan aftida dib loo dhigayn xitaa hal daqiiqo, oo ay dhici doonto wakhtigii loo asteeyey oo ah 25-ka September Xataa Wada hadalkii Xoghayaha Gaashandhiga ee Mareykanka oo ku saabsanaa mawduuca aftida iyo talooyinka iyo cabsida Mareykanka.”

Waxaa xusid mudan in ay jireen dedaal badan oo diblomaasiyadeed oo loogu jiro in ay ka dhaadhiciyaan Kurdistan in ay joojiyaan ama ugu yaraan dib u dhigaan aftida oo ahayd sida uu xaawilayay Xoghayaha Difaaca James Matisse inuu sameeyo isagoo ku qancinayay masuuliyiinta Kurdishka booqasho uu ku tagay magaalada Arbil, taasoo keentay Baqasho ay ka qabto Washington Caqabad ku noqoto dagaalka ka dhanka ah Kooda Daacish.

Dhinaca kale Turkiga ayaa dib u cusbooneysiiyay ka soo horjeedkiisa xoogganaa ee talaabadani taas oo u arko Talaabo qalad ah, waxaana ku dhawaaqay wasiira arrimaha dibadda Mouloud Javishoglu inuu rajeynayo in xukuumadda Erbil ay joojiso aftida.

Si kastaba ha ahaatee inkastoo ay jiraan cadaadis gobaleed iyo kuwo caalami ah Erbil ayaa sii wadi doonta in ay qabato aftida muranku ka taagan tahay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso