Daawo: Gabadh Khatar ah oo Iska Furtay Katiinadii ay ku Jeebeeyeen Boolisku Ka dibna La Baxsatay Gaadhigoodi

Gabadh Maraykan ah oo lagu magacaabo Toshi Spunseler ayaa La Baxsatay gaadhi bilays oo lagu xidhay ka dib markii loo qabtay Tuhun in ay Xaday Dukaan, inkastoo ay katiinadeeyeen waxay ku guuleystay in ay iska furto si dhakhso ahna ula baxsato Gaadhigii , ciidamada Booliskuna ay raacdaystaan Wadooyinka ayay ku kaliftay.

 

Fiidiyowga oo ay daabacday Fox News oo ku faafay goobaha shabakadaha bulshada ayaa muujinaya in bilaysku labada gacmood ka xidhay gabadha, ka dibna ay ku jeebeeyeen suunka gaadhiga.

Sida ka muuqata fiidiyaha  bilayska ayaa ugu danbeyn qabtay gabadha ka dib muddo markii ay eryanayeen wadooyinka  .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso