Gudaha ka akhriso: Jordan oo in Ka Badan konton Awr oo Alle Bari ah loogu Qalay Saddam Xuseen!!!!

Wakaalada Wararka Saraya ayaa soo warisay in muwaadiniinta Jordan ay ku qaleen in ka badan 50 geel ah magaalada Ramadaan ee ku taala Jordan Maalintii ciidda Adxada iyaga oo ugu Alle Baryayay Hogaamiyihi Ciraaq Saddam Hussein.

Waxayna intaa ku dartay in muwaadiniintani ay “u qoondeeyeen Alla barigan fara badan Dadka saboolka iyo kuwa baahan, Waxayna Caado ka dhigteen in la gowraco Xoolahan ay ugu Alle Baryayaan Ciid kasta Saddam Xuseen oo ay u qadariyeen in uu shahiiday.”

Nin u dhashay dalka Jordan ayaa lagu soo waramayaa in sheegay inuu Qalay Hal Awr una Qalay Saddam Xuseen isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa Qadarin iyo tixgelin ku lahaa ummadda Wax badana qabtay.
Dhinaca kale muwaadin reer Masar ah gaar ahaan Magaalada Aswan ayaa isna Geel Alle Bari ah u Qalay Sadam Xuseen oo uu ku tilmaamay Geesi iyo Shahiid Carbeed.

Hogaamiyahii Ciraaq ee Saddam Xuseen ayaa la deldelay Waabarigii ciidda Adxadii 2006 Taas ilaa maalintaa ay Dadkani Caadaysteen in ay u Qalaan Alle Bari Ciid kasta oo ku Beegan Deldelaadisii.
Ma jiraan wax macluumaad ah oo ku saabsan cidda maalgelisay iibinta konton iyo Saddex dan Awr, se Dadka Fuliyey Hawshan ayaa sheegay in ay tahay mid jeebkooda ah oo ay bixiyaan muwaadiniin iskood isu xilqaamay.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso