Gudaha Ka Eeg : Ciidanka Police-ka Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay Sheekh Aadan-sunne .

Hawl-gal ay caawa fuliyeen Ciidanka Police-ka Somaliland ayaa waxaa lagu soo qabtay Sheekh Aadan Sunne .

Qabashada sheekhan ayaa si wayn looga dareemay Caasimaadda, Iyadoo la maqlayay dhawaqa rasaas-badan .

Wararka aanu helaynaa ayaa sheegayaa in dad ka ag dhawaa guriga sheekhu ka hor yimaadeen ciidanka, balse Ciidanka Police-ka ayaa ku guulaystay qabashada sheekhan .

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay hawlgalkan caawa lagu qabtay sheekh Aadan-sunne .

Maaha markii kowaad ee sheekhan la xidho, Balse marar hore ayaa sidan oo kale loo xidhay .

Advertisement

Ku Xayeysiiso