Daawo: Ciidamada Booliska oo faahfaahiyey Sababta ay u Soo Xidheen Sheekh Aden Sunne kuna Eedeeyey in uu khatar ku yahay Amniga Guud ee Qaranka

Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta ka hadlay faahfaahiyeyna sababta  Habeenkii Xalay ahaa ay usoo xidheen Sheekh Aden Sunne.

Taliye Ku Xigeenka Booliska General Fooxle ayaa sheegay in Sheekh Sunne oo khatar ku yahay Amniga Qaranka Wadana Khalkhal galin amniga guud ee dalka .

Taliye ku xigeeka ayaa intaa ku daray in uu abaabulay kana been abuuray hawl gal ay ciidamada boolisku ku soo qabqabteen dhalinyaro tababar iyo dab rid ka sameeyey magaalada agagaarkeeda  looguna talagalay in ay fuliyeen hawlgalo qarankan ku lid ah sidaa darteen ciidanka boolisku waxa ay wadayaan hawlagalkan , Ciidamada Boolisku Cid kasta oo ay u arkaan in ay lid ku yihiin Amniga qaranka way  qabanayaan.

Geesta Kale Afhayeenka Booliska ayaa isna ka hadlay Xadhiga Aden Sunne waxaanu yidhi.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya Ciidamada ay wada shaqaynta leeyihiin waxay gacanta ku soo dhigeen  koox maleegaysay arrimo khatar ku ah  amniga qaranka kuwaas oo meel ku beegan Koonfurta magaalada Hargeysa meesha la yidhaa Uubaale ku qaadanayay dab rid  dhamaantoodna waa la soo qabtay waxaana la horgeyn doonaa  Maxkamada Awooda u leh baadhistuna way socotaa

Isaga oo Sii Wata Hadalkiisa Afhayeenka Boolisku Waxa uu sheegay in ay Habeenkii Xalay soo Qabteen Sheekh Aden Sune “ Sidoo kale xalay oo ay Bishu ahayd 6 September 2017  waxay ciidanka bilaysku Hawlgal ku soo qabteen Wadaadka la Yidhaa Aden Cabdi Warsame (Sunne) kaas oo khatar ku ah Nabadgelyada Qaranka iyo Shacabka ba isaga oo Ciidanka Amniga kala hor yimid iska caabin Xoogan ka dib markii uu soo abaabulay rag dumar iyo dhalinyaro kooxda loo yaqaan Himilo kuwaas oo ciidanka kala horyimid dagaal“.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso