Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE oo ka qaybgalay Fooladaynta 725-Arday oo ka Qalin-jabiyey Jaamacadda Cammuud

Boorama:(ToggaHerer)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ku-xigeen Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ay ku qalin jabiyeen 725-arday oo ka baxday jaamacadda Cammuud maanta.
Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Cammuud, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna murrashaxa madaxweeyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, madaxda axsaabta mucaaridka, maamulka guud iyo madaxda qaybaha kala duwan ee jaamacadda Cammuud, wasiirro, wasiiru-dawleyaal, agaasimayaal guud, Ardayda qalin-jebinaysay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayey guusha ay gaadheen Ardayda heerarka kala duwan ee waxbarashada dhammaystay, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayey sidii ay shaqo abuur u samaysan lahaayeen.
Ugu horrayn hormoodka jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo sidii ay kusoo gaadhay halka ay maanta joogto, waxana uu sheegay in muddo 20-sano ah oo ay furnayd ay ka qalin-jebiyeen 16-dufcadood oo heerarka kala duwan ee aqoonta jaamacadda bartay, kuwaas oo maanta dacallada dunida ku kala faafsani.
Wasiirro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin xukuumadda iyo axsaabta qaranka katirsan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ardayda qalin-jebisay, waxana ay kula dardaarmeen inay u xadhko xidhaan sidii ay fursado shaqo dalka uga abuuri lahaayeen.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashada Md. Maxamuud Xaaji Aadan Cilmi oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay tirada sii kordhaysa ee ardayda jaamacadaha Somaliland ka baxaysaa marag ka tahay horumarka dalkani gaadhayo, isla markaana ay xukuumada haan maanka ku hayaan sidii loo jihayn lahaa ardayda sida xawliga ah usoo gelaysa suuqa shaqo-doonka dalka.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa madasha ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey Ardayda qalin-jebisay, waxana uu ku adkeeyey inay u guntadaan sidii ay u curin lahaayeen aragtiyo toolmoon oo ay shaqooyin ku abuuranayaan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa isaguna dhinaciisa bogaadiyey Ardayda qalin-jebisay, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwo aqoonta ay barteen ku ikhtiraaco afkaar horleh oo shaqooyin loogu abuuro da’da waqtigan iyo kuwa iman doonaba.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad dheer u jeediyey Ardayda qalin-jebisay, ayaa waalidka, Ardayda iyo macallimiintaba ku bogaadiyey dedaalka iyo kartida ay la yimaadeen, isaga oo Ardaydana ka codsaday inaanay cidkale marti uga noqon shaqooyin, balse ay maskaxdooda ka curiyaan hannaan cusub oo shaqo abuur ah.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne ku-xigeenku halkaas shahaadooyinkii ay mutaysteen ku guddoonsiiyey Ardayda qalin-jebisay, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad dheeraad ahi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso