Gudaha ka akhri: Milicsiga Jawigii Afar Sanno Markii Uu Xil. Siciid Cilmi Rooble U Digo-rogtay Xisbiga WADDANI & Nuxurka Weedhihii Uu Yidhi Dharaartaas

Akhri: Khudbad uu Dabayaaqadii 2014-kii Ka Jeediyey Xafladdii WADDANI ku Qaabilay Iyo Hadalkii Uu Shalay ku macasalaameeyey

Anigu Xisbiga KULMIYE Ayaan Kasoo Baxay, Sharciguna Ii Ogolaan-maayo Inaan Ku Dhawaaqo Inaan Ahay WADDANI Laakiin” Xil: Siciid Cilmi Rooble . November 2014

++++++
Aniga Oo Ka Xun Inaan Ka Baxo Xisbiga WADDANI Oo Tacab Badani Igaga Jiro Haddana Nimanyahow Waxaan Arkay In Aan Cirro Maanta Dalka Lagu Aamini Karin [Waayo] Bahalka Maska La Yidhaahdaa Marba Wuu Xuub Dhacsadaa Xil: Siciid Cilmi Rooble August, 2017

Hargeysa(ToggaHerer):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa Mudanayaasha ugu cadcad xagga naqdiga iyo dhalliisha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa shaaciyey inuu iska casilay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu hore uga tirsanaa Saraakiishiisa sare, Golihiisa dhexe iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee hore ugu biiray Waddani, markii uu ka baxay Kulmiye oo lagaga soo doortay gobolka Saaxil.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay inaanu muddo siddeed habeen iyo siddeed maalmood ku siman aanu seexan ee uu is-miranayey (isla-tashanayey ama shawrayey), isla markaana uu go´aansaday inuu ka baxo Xisbiga Waddani oo uu ka mid ahaa Afartii sannadood ee u dambeeyey, ka dib markii Xisbigu ka fadhiistay inuu garab-istaago markii uu isu sharraxay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Shir Jaraaid Oo Ku Qabtay Magaalada Hargeisa Maalintii Shalay Waxa Uu sheegay in ay jiraan Tabashooyin Badan Oo Sababay Inuu Xisbiga Waddani Ka Huleelo.

 

Waxaan Maanta [shalay] Ku Dhawaaqayaa Inaan Xisbigii Waddani Ka Baxay, aniga oo aan cadhaysaneyn ayaan ka baxay, 8 Habeen maan Seexanne waan is-miranayey. Sidaas ayuu yidhi Siciid, isaga oo intaa ku daray  Waxaan idiin Sheegayaa Maalintaan Waddani Galay urur yar buu ahaa Oo reer Ah, Kaligaybaa Ka Baxay Wadadaa Bari, bartaa Awbarkhadle Ilaa Burco [tegey], Lama Tashan Reerkaygii, Lama Tashann Cidaan u Ahay Xildhibaanka, Waxaan is idhi waad ku dawakhaysaa haddaad la tashatid cid, laakiin waxaan u arkaayey inaan umadda qabyaalada ka saaro.

 

saaxiibkay c/raxmaan oo 12kii sano oo aan jeermaanka ii ahaana 2005 raggii dhisaybaan kow ka ahaa ilaa iyo intaa ku jirnay golahaana waxaan difaac ugu jiray Kursigii, Waxaan Horjooge u ahaa 28kii xildhibaane ee kulmiye dhamaantayo isagaanu garabkiisa ahayn Annagaa Ilaalinaynay Kursigiisa, UCID baa soo weerarta, UDUB baa soo weerarta, Waxaa ugu Weerar Badnaa Tolkii [laakiin] sideed iyo labaatankayagaa xildhibaan ayaa ilaalinaysay. Ayuu yidhi. Md. Siciid Cilmi oo kursiga xildhibaannimada ee uu kufadhiyo gobolka Saaxil uga soo baxay xisbiga KULMIYE, balse markii dembe ka baxay xisbigaas isaga oo xubin ka noqday xisbiga uu hadda iska casilayo ee WADDANI, waxaa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu murashaxa WADDANI uga abaal guday halgankii xisbiga KULMIYE u soo maray in uu ku guulaysto doorashada, taas oo uu sheegay in Md. Cirro uu qayb ka ahaa in Siilaanyo uu madaxweyne noqdo Run Ahaantii Siiaanyo Waxaan Odhan Karaa Cida kaliya ee Uu u Abaal Guday waa C/raxmaan Cirro.

 

Waxaan Ahaa Qofka Kaliya ee Cirro ugu dhow Wakhtigaasi hore, weligayna talo khaldan maan siin, isaguna talada wuu raacijiray, laakin maanta waxaa xisbigii kus oo biiray dad aan nasteex u ahayn xisbiga iyo dad makas ah oo waxoodu caadifad yahay oo aan siyaasad dheer oo bisil lahayn, Cirrona waxaad moodaa in kii shalay aan aqaanay aanu ahayn. Markaa aniga oo maanta ka xun inaan ka baxo xisbiga WADDANI oo tacab badani igaga jiro niman yahow waxaan arkay in aan cirro maanta dalka lagu aamini Karin [waayo] bahalka Maska la yidhaahdaa marba wuu xuub dhacsadaa, sida runta ahna reer Somalilandow Cirrihii dhabta ahaa wuu inoo dembeeyaa. Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.
Milicsiga dharaartii uu Xildhibaan Siciid u digorogtay WADDANI iyo nuxurka khudbadii uu jeediyey


Dabayaaqadii bishii November ee sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii uu xildhibaan siciid Cilmi rooble si rasmi ah ugu biiray xisbiga WADDANI, isaga oo ka digo rogtay xisbiga KULMIYE, wallow uu sheegay in uu sharciyan yahay xildhibaan KULMIYE ah balse siyaasiyan uu WADDANI yahay. Mr. Siciid oo hoggaanka xisbiga WADDANI ku qaabilay munaasibad ilyartu is qabatay oo loo sameeyey soo dhawayntiisa waxaa khudbad dhinacyo kala duwan khusaysa oo uu halkaa ka jeediyey Xildhibaaku kaga warramay arrimo kala duwan oo markaas taagnaa iyo sababaha dhaliyay in uu ka soo baxo xisbigiisii uu muddada tobanka sanno ah ku jiray. Khudbadaas oo uu wargeyska HUBAAL jecelyahay in qaybo kooban oo kamid ah uu akhristeyaashiisa u soo gudbiyo ayaa waxyaabihii uu sida faahfaahsan uga hadlay waxaa ka mid ahaa go´aan qaadashada xilligaas uu kaga digarogtay KULMIYE in aanay cidina ku wehelin ee uu isagu goostay, taas bedelkeedase uu muddo dheer oo uu saaxadda ku soo jiray lahaa rag musdambeed ah oo uu tallada ka qaadan jiray kuwaas oo uu qaarkood xusay.
Waxaan doonayaa inaan idiin sheego; anigu xildhibaan qaran baan ahay oo waxaa jira dad badan oo I taageera oo aan beeshayda ahayn, sidaas darted wax allaale iyo wixii aniga siyaasaddayda taageera iyo kuwa magacayga yaqaannowba ku biira WADDANI, laakiin aniga xildhibaan ahaan wax baa I haysta oo aanan ka gudbi karayn sharcigana ku tuman maayo. Intaasi waxay tahay sharciyan anigu xisbiga KULMIYE ayaan kasoo baxay, sharciguna ii ogolaan maayo inaan halkaa kaga dhawaaqo inaan ahay WADDANI laakiin waxaa weeye KULMIYE ayaan ahay oo halkaasaan [dhuunta] u fadhiisanayaa meel ay ii soo maraan ha waaayaannoo iyagu ha I eryaan, waxaanse wax allaale wixii I taageera u soo jeedinayaa inay WADDANI ku biiraan. Sidaas ayuu Siciid Cilmi yidhimaalintaas.

 

Geesta kale mar uu khudbadiisa oo dheerayd ku soo qaatay shakhsiyada laga aamin san yahay dhinaca siyaasadda, waxaana isaga oo la hadlaya murashaxa WADDANI yidhi  Aniga waxaa la igu tilmaamaa inaan dawlad walba ka hor imaado laakiin Cabdiraxmaannoow adiga kaa hor iman maayo haddaad waxaynu dhigano ku socotid haddaadse ka baydhid wallaahi ka ugu horreeya ayaan noqonayaa [ee kaa hor yimaada]. Anigu 1982-kii baan siyaasadda galay oo SNM baan xagga dibada ka ahaa waagaas illaa iyo maanta talada rag baan ka qaadan jiray oo Muuse Biixi iyo qolada korneyllada ayaan ka qaadan jiray talada oo , shalay waxaa la I lahaa Siciidoow hebel dooro [laakiin] maanta anigaa idin leh waar hebel doorta oo khibraddeedii leh.

Advertisement

Ku Xayeysiiso