Cajiib : Wiil dhallinyaro ah oo Afkiisa Laga Soo Saaray 232 Illig !!!!!

 

Iyadoo helitaanka cilmi-baadhista iyo caafimaadka ee adduunka oo dhan ay sii socoto,waxa soo baxaya fayrasyo, cudurro iyo xaalado qariib ah oo  wiiqaya sharraxaaddooda.

 Ashik Ghafay Qalliin ka kadib

Kiisaskan qariibka ah ayaa ah kiis wiil dhalinyaro ah una dhashay  Dalka Hindiya  lana yidhaa ‘Ashik Ghafay’ ayaa dhakhtarradii baadhay ogaadeen in Ilkaha ku jira Afkiisu dhan yihiin 232 Ilig , sida laga soo xigtay  Bouldersky oo ka wax ka qorta Arrimaha Caafimaadka.

Baadhitaanka CT-ga ee muujiyay ilkaha

Ashik oo ku nool tuulo sabool ah kuna taal Hindiya  kama war qabin  waxa ku dhex jira gudaha afkiisa, laakiin muddo 18 Bilood ah ayuu dareemay Xanuun ka jira gudaha Afkiisa, Wuxuuna la tashaday Dhakhaatiirta tuuladiisa laakiin waxay ku guuldareysteen in ay ogaadaan sababta keentay xanuunkan, sababtoo ah daciifnimada awooddooda Qalab caafimaad, taasoo ku qasabtay inuu tago magaalada si uu ula Kulmo dhakhaatiirta .

Xiligii lagu jiray Qaliinka 

Waa wax la yaab leh!

Dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in wiilkan Dhalinyarada ahi leeyahay tiro farabadan oo ilko , ilkahaas  oo ku jira daankiisa kuwaas oo ka kooban dhaldhalaal, unugyada ilkaha ka samaysan.

Dhakhaatiirta ayaa ay khasab ku noqotay  in qaliin ku sameeyan  kana soo  saaraan ama ka guraan ilkaha aan loo baahnayn.

Sida laga soo xigtay dhakhtarrada, waxay ahayd hawl aad u adag waxayna ahayd inay “isticmaalaan mashiinka iyo kakushka .. ilaa ilkihii  looga soo saaro  mid mid , illaa iyo nambarku ama tiradu gaadhay 232 ilig, Waxay ahaayeen sida lowska yar yar.”

 waxay Ka soo saareen 232 illig oo ka soo baxay afka Ashik

Dhakhaatiirtu waxay yidhaahdeen Ashik waxa lagu tilmaami karaa nin nasiib leh,  da’diis yar ayaan suuragalisay in dhakhaatiirtu ka gurto Ilkahan Daankiisna ku soo noqdo Qaabkii Dabiiciga ahaa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso