Bilayska Bangladesh oo iska indha-tiray amarrada xukuumadda ee ka hortaga Soo galootigaa Muslimiinta Rohinga ee xuduuddaka Bangladesh..

Bilayska Bangladesh ayaa iska indha-tiray amarrada xukuumadda si looga hortago tobanaan kun oo Muslimiinta Rohinga oo ka soo gudbaya xadka si ay uga baxsadaan rabshadaha ka dhacaya Myanmar ee lagu Xasuuqayo Muslimiinta Rohinga.

Wariye Ku sugan Bangladesh ayaa xaqiijiyay in Muslimiinta Rohinga ay sii wadaan in ay ka gudbaan xuduudda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 58,000 Rohinga ay ku bara kaceen xudduudka gobolka Rakhine ee Myanmar sababtoo ah isku dhacyadii ugu xumaa ee dalka ka dhacay.

Rohinga wuxuu ku eedeeyay ciidamada amniga iyo kooxo Buddhist inay gubaan tuulooyinka ay ku nool yihiin.

Xukuumadda Myanmar ayaa sheegaysa in ciidamadeeda ay ka jawaabayaan weerarro ay kooxo Rohringa ku qaadeen in ka badan 20 xarumo booliis ah.

In ka badan 20,000 Rohinga ayaa lagu soo waramayaa inay ku xayiran yihiin Jiinka Wabiga Naf oo kala sooca Myanmar iyo Bangladesh.

Hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa ka digay in dadkaas ay ka baqayaan in ay ku qaraqmaan isku daygooda ah in ay ka gudbaan webiga isla markaana cudur ku faafa ay uga baqayaan.

Gobolka Rakhine waa Ka ugu saboolsan Myanmar waxaana ku nool in ka badan hal malyan oo qowmiyada Ruhanga oo Muslimiin ah , kuwaas oo xasuuq ay ku hayaan aqlabiyada Buddhist ka ee dalkaasi.

Mas’uuliyiinta Myanmar waxay diidan yihiin muwaadinimada Rohingi waxaana ay u aqoonsan yihiin muhaajiriin sharci darro ah, inkasta oo ay lee yihiin qarniyaal ay deganaayeen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso