Xulufada: Baqdaadi Waa Nool Yahay Waxaanu u Baxsaday Dooxada Furaat

Taliyaha Guud ee Ciidamada La Dagaalanka Kooxda Islaamiyiinta Daacish General Stephen Townsend ayaa ku dhawaaqay in uu Wali nool yahay Hogaamiyaha Daacish Abubakar Al-Baqdadi, Taliyaha ayaa intaa ku Daray in ay Qabaan in uu ku dhuumanayo meel ka mid ah dhulka dhaca Dooxada Furaat.

Sida uu ku sheegay Shir Jaraa`id oo uu ku Qabtay khadka Telefoonka waxay si maalinle ah u wadaan Baadigoobkiisa Waxayna rumaysan yihiin in uu wali nool yahay oo aanu dhiman.

General Stephen Townsend ayaa qiray in aanay hayn meel cayiman oo uu joogo Baqdaadi Waxaanu intaa Raaciyey in uu baxsaday isaga iyo Kooxo kale oo hubaysan oo la socda ayna u baxsadeen Dhinaca Dooxada Furaat halkaas oo ah Dhul u dhaxeeya Ciraaq iyo Suuriya.

Ciidamada Ruushka ayaa hore u sheegtay in ay ku dileen Baqdaadi Duqayan xaga cirka ah oo ay geysteen 22 June.

Warqabadk ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso