Caasimada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland oo saaka laga ciidayo

Maanta oy Tahay Maalin Jimco ah Munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland waxay u dabaal degayaan munaasabadda ciida.

Masaajidda Iyo Goobaha Banaan ee la iskugu soo baxo ayaa lagu oogay Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Somaliland iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayeen shacbiga Tukashada Salaadda.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka Somaliland, iyadoo dadka ay isugu marxabeynayaan ciida wanaagsan kullu Caam wa antum biKheyr iyo hadalo kale.

Intii lagu guda jirey diyaar garowga Ciidda waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto Xoolaha nool ee Suuqyada,sida Adhiga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay u gowracaan maalmaha ciida, si ay ugu sadaqeystaan dadka kale oo danyerta ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso