Mooge ” oo hadduu Mr Cirro maqanyey yaa magacaabbay waxan socda ilaa shallay”

Mooge ” oo hadduu Mr Cirro maqanyey yaa magacaabbay waxan socda ilaa shallay”

Sawtii la lahaa Xarramkuu gaadhey ?

Odey ” Moogow miyaad aqoonin Guddoomiyaha Jiifa ” ?

Mooge ” inader ma aqaano ” ma ninkii Af- Yare ee Ina Jirde la odhan jireybaa ?

Odey ” Mooge naw war li,idaa inader ”
Kaasi ma waxbuu magacaabaa ?

Mooge ” sawtii la lahaa waa Guddoomiye ku meel gaadh ah ”

Odey ” ku meel gaadhkee waar kaarto yar oo Go,da wayn iyo Go, da yar laga dheello”

Oo lagu soo Xerro gellinayey Arrab Sheikh Isaxaaq ayey haydoo waatii socon wayday.

Mooge ” oo C Qaadir Jirde miyuu iska ag taagan yahay uun haddaa ” ?

Odey ” Haa yoo isaga iyo Muuse Abokorkiisiba way ku fahmeen ”
Oo wax arinta fahamsiiyey Qollo ay is yaqaanaan oo Axmed
Cabdale ah aya tidhi ” ka dhijo ama lii lii Arabbaw”
waa kaartadii Buurta Gacan libaax ee ku taall beydka Raaxadda .

Mooge ” Inader Guddoomiyaha Jiifaa hadaa ma Xirsi Gaabbaa” ??

Odey ” naw kaasi miyuu jiifaa wuu taagan yahaye”

Waar marka wax la malleegayo ayuu shaqeeyaa kaasi.

Mooge ” oo isaguna ma Warraabe u taagbaa Xirsi” ?

Odey ” oo ma noqon karraaba waar luquntuu iska duubayaa sidii Maansadii Adan Tarrabi ee Good iyo Guulleed markuu Ciro dhaco ”

Maxkamad uun ka eeg inay isla gallaan.

Mooge ” oo isgana maxaa ka si noday Xirsi” maxaa laysku qabsanayaa ?

Odey ” Cod ayaan keenaya ka socon wayday Xirsi oo H Jeclo Buus ayey ku tidhi ”

Mooge ” hayee oo waabba lays gaaddayey miyaa ”

Odey ” haayoo xisaabtii Coddokii Burco iyo waxa uu ka keenay M Abokor oo dhan ayaa dhaafi waayey 186 cod oo ciyaalla Xirsi ah ”

Mooge ” ma nin kii waynaa ee lahaa anaa Reerka haya ”
Oo niyaw Muuse Abokor iyo Cumar Jibriil miyaanu waxba ka helin Xirsi ?

Odey ” Mooge oo sawkuwii u diiday xitaa dawadda in uu la gallo caynaba ”

Mida kale miyaad ogayn inay gabigoodu uga tageen Xisbigaba Xirsi ?

Mooge ” oo inader yaa ka mid ahaa kuwa uga tagay ” ?

Odey ” alla miyaan tirin karayaa, Xill. Faarax dheere, Xill. Reyte , Cabdulahi ( Bombay) iyo inantii Fariida ahayd ee Odhan ogayd hadalka ee (Hinda Gaanni )

Mooge ” oo kuwaasi ma Muuse Abokor ayey ahayeeen” ? Waxaan mooddayey ( Sammane Abokore)

Odey ” alla oo maxaa Sammane Abokor geeyey (Sarraar) waa Shoodhe M Abokore ”

Mooge ” waaryee Odey oo Reer Hargeisa ayaad ahayde maxaa ku kalla baray Reer Bariga niyaw”
Miyey ku dhalleen inader?

Odey ” Waar mayee namay dhaline dhulkaanu marnaye ”
Nimaan dhul marini dhaayo la,a.

Mooge ” niyaw Guddoomiyahan jiifa ee wax magacaabayaa waa kuma hadaba” ?

Odey “dee waa wiilka laan dheeraha ah ee Xirsi Amaanka Sebenka ah ”
Ee Hargeisa iyo Xaddaarada Nuux Ismaaciil la xididka ah.

Eesh khiyaasak yaa ku dhica kara ee kale.

Wuxuu isaga dab qaaddaa Moholin, Ay qaaddaha, Xayaable, Xoddayo, Nusdariiq, ilaa tan tadi iyo Laba Nuux.

Mooge ” haa ma ina Sullubba ”

Waan gartay allayle siddeeda ayuu u hanjabayey .
Oo ma isagaa shaabbada haysta iyo saxeexa Cirro ?

Odey ” ayo kalle hadaa
Waa inan qallad iyo waliba wiil hoog aan ciyaar ahayn”

Mooge “Waxaan ka baqayaa in uu markuu Cirro dhaco Rebshad ina galiyo”

Beri horena arimo hore ayaa wax laga saarayee ?

Odey ” waxaaba u diyaar ah ayaa la yidhi wixii sii xilka lahaa ”
Haduuse maanta sheeko Qaaxo keeno wuu eedi doona.

La soco qaybaha danbe Odey iyo Mooge. By Ibrahim ( Xabbo)

Advertisement

Ku Xayeysiiso