Daawo: Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Md Axmed Koore oo Tobabar u Furay Shaqaalaha DDSi

Si kor loogu qaado tayada shaqada iyo shaqaalaha ayaa Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI
Uu wadaa dadaalo ku’aadan hirgalinta iyo kamidho dhalinta barnaamijyada shaqada iyo shaqaaaha dawlada iyadoo uu tababar kuqotama barnaamijka qiimaynta iyo darajosiinta shaqaalaha ee loo yaqano (JEG)
Ubilaabay xumno laga soo kala xulay qaarkamid ah xafiisyada iyo wakaaladaha heerdeegaan ee aan horay u qaadanin tababarka dib u meelaynta shaqaalaha.

Hadaba,tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo sheegay in ujeedada tababarkani yahay mid kuqotama barnaamijka Qiimaynta iyo Darajo siinta shaqada islamarkaana uu yahay tababarkani mid ay kaqaybgalayaashu ku baranayaan nidaamka dib u meelaynta.

Wuxuuna xusay wasiirku in barnaamijkani uu yahay barnaamij aad muhiim u ah islamarkaana dalka oo dhan ay kasocoto hirgalintiisu iyadoo hawlaha barnaamijkanina uu soomaray wajiyo farabadan hadana uu marayo meel gabgabo ah.

Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in inta uu socdo tababarku sifiican looqaato casharada kadibna ay ugu shaqeeyan sidii loogu talagalay iygoo ka fogaanaya ninjeclaysi iyo qabyaalad islamarkaana xafidaya shuruucda dib umeelaynta.

Sidookale, khabiirka Barnaamijka JEG ee xafiiska adeega-shacaka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Khadra Bashiir oo dhankeeda kahadshay ayaa sheegtay in ay kaqaybgalayaashani ay yihiin kuwo masuuliyad wayn qaadaya islamarkaana qaban doona shaqooyinka ay kamid ka yihiin shaqo qeexida (Job-Description)kadibna samayn doona dib u meelaynta xafiisyadii ay ka kalyimaadeen.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in sifiican ay uga faaiidaysan doonaan tababarkan islamarkaana ay si cadaalada ugu shaqayn doonaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso