Xaal & Raali-galin baan ka siinayaa Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

Xaal & Raali-galin baan ka siinayaa Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan). Hadal deel-qaaf ahaa kana soo yeedhay yarka maamulaha madaarka hargeysa, Maxamed Yuusuf (dhidar) oo ka baxsanaa akhlaaqiyaadka shaqaalaha dawladda.

 

Waxaan leeyahay maamulaha madaarka hargeysa waxaad tahay wiil qalqaaliye oo waliba wakhtiguna la shaqeeyay laakin alle waxbaba kaagama tarin ee waxaad ogaataa inay ku hurrantahay oo aad mar uun gali af libaax.
“Shimbir duulis badanaw hadaad degi aqoon waydo.
Mar uun baad libaax labadi daan dalaq tidhaahdaye”.

Arintan foosha xun oo dhacday dorraad, waxa uu ku talaabsadday Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf (dhidar), isagoo daba socday hadal qoraal ah oo uu bartiisa  Facebook-ga uu ku leeyahay Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) uu ku baahiyay.
Isagoo Wasiirka ku duraya kuna dhawaaqaya weedho xanaf leh oo weliba uu ku durayo Siyaasadda Xukuumadda ee Wasiirku ku shaqeeyo.
Yarkan oo ka mida inamadii uu Wasiir Maxamuud Xaashi rabaystay una samaystay dadka deegaanka koonfurta, bariga & badhtamaha hargeysa. Oo beryahan buste qoyani Daaranyahay, goor alle ka dul-qaadaba.
Kala danbaynta, anshaxa & asluubta wanaagsani waa rukunada aasaaska u ah hanaanka dawladnimo. Dadkuna waxay kala leeyihiin madax iyo mijo, haday-se noqoto bilaa daah, oo maqasha & idaha xerada loo kala xidhi waayo halkaa caano la’aanuun ka eeg. Marka milgo beel ku dhaco hanaanka & structure-ka  ay dawladi lahaan jirtayna waa  sida imika taagane.  Waa in uu taagaw maamule madaar u jawaabo Wasiir qaran oo aanay isku meeqaam & martabad-toona ahayn.
Sida aynu ku arkaynay warbashinta maxaliga ah maalin dhawayd arin aan ku doogsaday oo wax kaliya kuma garatide aad ii faraxti galiyay oo uu ku talaabsaday Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan). Arinkaas oo ahaa ka dhiidhi uu ka dhiidhiyay Wasiirku dhacdo fool xun oo lagula kacay haweenay isa-sidata oo ah muwaadinad Somalilander ah. Ka dib markii ay ula dhaqantay gabadh yar oo diir cad oo ka mid ahayd shaqaalaha diyaarad ay leedahay shirkadda fly dubia. arinkaas oo ahaa fal ka baxsan bina-aadanimada shuruucda passenger-ka. Taas oo aanu ogolaanayn qof ilmo yar wata inuu fadhiisto kursiga daaqadda xiga. Iyadoo ay jirto baahiyo badan oo uu kaw ka yahay suuliga oo ilmaha yari u baahan karo any minute. Oo natiijadii arinkaasina ku soo dhamaaday in haweenaydii laga soo rogo diyaaradii iyada & ilmaheediiba. Ayuu Wasiir Cali Mareexaana ku qoray qoraal uu kaga hadlayo dhacdadaa foosha xun page-kiisa facebook-ga. Uu run ahaantiina  mudnaa in lagu bogaadiyo sida uu uga fal celiyay dhacdadii ku dhacday haweenaydaa isa-sidata.
Waxa layaab & u qaadan-waa igu  noqotay markii aan Warbaahinta ka daawaday maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf (dhidar). Isagoo ka jawaabaya hadal qoraal ah oo Wasiir Cali Mareexan qoray. Isagoo yarkaa maamulaha ahi ku dhawaaqayo hadallo iyo weedho xajiin badan, kana araddan anshaxa iyo asluubta dawladnimada kana baxsan mustawaha maqaamkiisa oo aan la garan karin meesha uu ka keenay awoodda uu isaga iyo wasiir ku wada doodi karaan.
Hadaba markaynu qiimayno halka uu ka galayo Masuulkaasi qaab-dhismeedka dawladnimada, kaliya wuxuu noqonaya xubin ka mid ah shaqaalaha dawladda.
Erayada asluubta ka arraddan kana baxsan structure-Ka maamul ee uu ku tiraabayay yarkaa maamulaha madaarku waxa Ka mid ahaa; “Maalin dhoweyd waxaan arkayey Wasiir Cali Mareexan oo leh Diyaarad dawooyin ah ayaan Berbera Keenay, imikana waa markii labaad ee uu faro-geliyo shaqo wasaarad kale leedahay. Markaa Wasiir Cali ma ka aqoon darra, maka badheedhbaa, maka Jaahilnimaa bulshada ayaa na kala saari-doonta.”.
Haddaba, iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye halkey ka timid milgo beelkan ku dhacay hanaankii dawladnimo. Goorma ayuu Maamule madaar oo awooddiisu ku eeg-tahay Xayndaabka Madaarka hargeysa, oo xata aan lahayn awood u fasixi karta inuu ka hadlo arrin ku saabsan Madaarka Magaalada Berbera, xagay ka timid awoodda uu kula hadlayo Wasiir qaran, isagoo weliba ku tiraabaya hadallo ka baxsan hab dhaqanka shaqaalaha dawladda, kala sareynta masuuliyiinta dawladda & structure-ka hanaanka dawladnimo. Sidoo kale weedhihii uu ku hadlayay maamulaha madaarku waxay iyana ka baxsanaayeen xayndaabkii akhlaaqiyaadka shaqaalanimo.
Waa duni aakhir samaan & milgihii dawladnimo oo meesha ka baxay. Waar yarkan yaa ku yidhaahda sidi-sididaada mooyee dhul u dhacaaga hubso.
Waxa hubaala in maamulaha madaarku ku dabaal bartay deegaan buste qoyani saaranyahay oo aan ax odhanayn, isaga  & inamo Kaloo la mida uu Wasiir Maxamuud Xaashi ku dhex rabaystay, sheekh-na ugu ahaa edeb darrada & anshax xumada.
Hadaba dukhsi caano ku dabaal bartay fuud buu ku gubtaaye, hadduun buu taar cagaha la galay.
Ninkan uu u jawaabayaa maaha xamaaliinta ka xoogsada madaarka uu maamulaha ka Yahay balse waa Wasiir qaran isla markaana aan la mustawe ahayn.
Nin baa laga hayay hashu maankayga gadaye ma maansaar bay liqday. Imika milgo beelkan ku dhacay haybadii & maamuuskii dawladnimo, talaw yaa leh eedeeda.

Hadaba markaan soo ururiyo halka uu ka shidaal qaadanayo inankan maamulaha ahi ee ugu wacan inuu ku kaco deel-qaafyo aanay waxba uga cabbin. Kolay siday aniga siday iila muuqato waa Wasiirkii qorey shaqadan oo ah tii ugu horeysay ee uu qabto maamulaha madaarku.

Oo ah Wasiirka madaxdoyada Mudane  Maxamuud Xaashi. Halka uu isku haleynayaana waa isaga, oo maanta ah Wasiirka ugu meeqaamka sareeya Wasiirada Xukuumadda.
Sidoo kale inankan & inamo kale waxay Wasiirka uga wakiil yihiin ilo dhaqaale uga soo hoydo, maca ma aaminsana inuu Wasiirka Duulistu yahay Farxaan Cali Haybe.  Ee wali waxay aaminsanyihiin inuu wali Wasiir ka yahay ninkii sida khariban u tababaray inamadan. Marka runta loogu tagana Wasiir Maxamuud Xaashi wali isagaa si dadban u maamula Wasaaradda Duulista, sababta ugu wacan inuu sidaa yeelaana ay tahay uun ilo dhaqaale oo uga soo xarooda xeryihii geelayaga.

Ugu denbayn: Waxaan Wasiirka Hawlaha guud & guriyaynta Xaal Ka siinaynaa erayadii asluubta ka arradd-naa ee uu ku tiraabay kuna aflagaadeeyay maamulaha madaarku. Oo u badnaa ereyo lasoo dhex marsaday inanka maamulaha ah oo meel kale ka socday.
Waxaananu u sheegaynaa inankan inaanay u wanaagsanayn dhex-galka laba nin oo ilmaadeera, oo uu midna u yahay adeege midna uu durayo. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Dhalinyar denbe oo ku shaqo geynaysaana ma jirto.

 

Talo soo jeedin: Soomalidu waxay tidhaahdaa fiintu waxay ka oydaa jirka soo socda. Sidaa darteed ana waxaan is ooyayaa tacadiyada lagula kacayo muwaadiniinta, oo hadaan arintan halkeeda wax lagaga qaban waxa iman doonta xayd mala ilaabay & af kala qaad. Teeda kale maaha inaynu dulinimo u qaadano sharkad caalamiyaa dalkayaga timaadda. Waxa kale oo iyana muhmal ku jiraa heshiiska lala galay shirkadda oo waxaaba suuragal ah in shares jiraan, kalifaya, dhiirigalinayana ku tacaddiga muwaadiniint. Hadaanu nahay shacabka waxaanu eegaynaa jawaabta xukuumaddu uga fal celiso fal denbiyeedkaa & tacadiga ay ku kaceen shaqaalaha shirkadda fly-dubai.

 

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii: garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso