Wasiir Samsam Cabdi Aadan Murraayadii Maaliyadda!!!!!

Wasiir SamSam Cabdi Aadan Murraayadii Maaliyada!!!!!!!

                                                                                             Q/7aad

 

​waa hawlkar karti iyo dulqaad badnaan ku suntan dedaalada waxqabad ee ay marwo samsam ku tallabsaty waa qaar ay taariikhda qarankan kaga jirta kaalin muuqata oo bulshada Somaliland ka wada mabsuuden.Haddaba marwo samsam waxay labadii Weak ee u danbeeyay ku tallabstay tallaabooyin mar qudha indha bulshada soo jiitay hadaba aynu u dul istaagno qodob qodob.

 

 

Taakulaynta Dadka Jillicda San.

 

Marwo samsam cabdi aadan waa masuul ku caanbaxday taakulayta dadka jillicda san,ugargaarida dadka u baahan in lagargaaro,Tusaale ahaan samsam cabdi aadan waxay booqoshao ku tagtay magaalo madaxda Berbera ee Saahil waxayna caawimo isku jirta h,u iyo cuntaba gaadhsiisay dadka ku xanuusanya dhakhtarka Berbera,sidoo kale waxay caawimo balladhan ka gaystay xilligii abaarta oo ay ahayd masuulka kowaad ee dadka jillicda san mar walba dhex taagna islamarkaana biyo baadba gaadhsiyayTAAKULAYTA dadka jillicda san maaha wax manta uun billawday ee waxay mar la kowsatay tan iyo dib u dhiskii wadanka iyadoo kazoo shaqayn jirtay horumarinta arrimaha bulshada.wasiir samsam baa ku suntan qodobadan.

    

Ø  Caawinta dadka jillicda san.

Ø  Ugar gaarka dadyawga tabaalaysan.

Ø  Gaadhsiinta cisbitaalada qalabyada lagama maarmanka ah.

Ø  Caawinta dad dhimirka wax ka qaba ee dhamaan gobalada dalka.

Ø  Caawinta hooyooyinka iyo dhallanka.

Ø  Caawinta dadyawgii abaaruhu saameeyeen.

Ø  Qododi ceelsha biyaha

Ø  Samayta dhaamamka waawayn.

Ø  Hirgalinta iyo horumarinta xananooyinka hooyada iyo dhallanka.

Ø  Qaybinta gaadiidka gurmadaka degdega ah gobol kasta iyo Goob kasta.

 

BixinTa mushaharkii Ciidamada Iyo Macalimiinta Iyo shaqaalaha Ciida Ka Hor.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa amartay in mushaharkii bishan August loo horumariyo ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland,waxaana dhamaan si qalbi furan u soo dhaweeyay dhamaan ciidamada qalabka sida,shaqaalaha dawlada,iyo dhamaan macalimiinta ka hawlgala jamhuuriyada Somaliland.waxaana hamblyo iyo bogaadin u diray dhamaan xaasaskooda iyo ubadkooda oo ay kala qayb gashay diyaar garawga ciida ADXA ee fooda inagu soo haysa.

 

Marwo samsam ayaa mushaharka  intii u danbaysay  Arbacadii loo sii daayey, halka shaqaalaha dalkana loo sii dayn doono Mushaharka inta ka horaysa Ciidal Adxaha.

 

Ciidamada Milletariga iyo Booliiska Somaliland ayaa loo sii daayey Mushaharkoodii 20-kii bishan August, halka ciidamada Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo Laanta Socdaalka loo sii daayey mushaharkii 23-kii bishan oo ku beegnayd Shalay.

 

Sidoo kale, Maanta oo  Sabti ah Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare oo ay hoos-tagaan macalimiinta dalku ayaa loo sii daayay Mushaharkii, halka dhammaan shaqaale-weynaha dalka la filayo in loo sii daayo mushaharkooda bishan inta ka horaysa Ciidal Adxaha.

 

Munaasibadda Ciidal Adxaha ayaa dhammaan dunida Muslimka looga dabaal dagi doono 10-kan Dul-Xija 1438, oo la filayo inay ku beeganto 1-da September 2017-ka, waxaanay Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan go’aansatay in loo sii qaddimo Mushaharka inta ka horaysa Ciidda si dhamaan shaqaale-weynaha Somaliland iyo qoysaskooduba ugu muraadsadaan Ciidda ka hor, isla-markaana maalintan weyn ay farxad la wadaagaan dhamaan shucuubka Islaamka ee ay u dabaal dagi doonta Ciidal Adxaha.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa Shacabka Somaliland iyo shaqaale weynaha dalka Illaahay uga bariday in Ciidda uu ku gaadhsiiyo nabadqab iyo barwaaqo.

 

 

Taxanaha waxqabad iyo ka horumarineed ee wasiirada wasaarada maaliyada somliland marwo samsam cabdi aadan qarankan ugu jirtaa waa mid guure iyo gallab carrawba ay ugu jirta,waana mid ay ka go,antay islamarkaana kartida iyo hawlkarnimada eebe ku abuuray ku timid.10 Augus 2017 waxa wasiir samsam socdaal hawleed ku tagtay gobolka saaxil ee BERERA waxaanay deeq biyo ah gaadhsiisay,cisbitalada kala duwan ee magaalada Berbera iyo xabsiga dhexe,waxaanay wasiir samsam ku wareejisay 5000 kartoon oo biyo ah una dhigma 100,000kun oo ltr.Wasiir sam sam cabdi aadan waxay qarankan ugu suntanthay sawirka waxqabad ee jamhuuriyada somliland,dedaalada waxqabad maaha qaar intaas ku eeg sidoo kale waxay wasiir samsam cabdi aadan weaken gudihiisa qabatay islamarkaana ay kaga dhabysay hirgalinta himilooyinka madaxweyne siilayo,

 

Cabdi AHMED

Hargeisa Somaliland

0633350200

Advertisement

Ku Xayeysiiso